Sida uu warbaahinta usheegay wasiirka Wasaarada Maaliyada Xukuumadda Soomaaliya Maxamuud Suleymaan Xilli uu maanta warbaahinta la hadlayey ayaa wuxuu sheegay in gabi ahaanba la joojiyablacagtii laga qaadi jira Dekeda Muqdisho.
Wuxuu sheegay Wasiirka in gabi ahaanba la joojiyay lacagahaas islamarkaana aysan jirin lacago sharci daro ah oo laga qaado gaadiidka isticmaala Dekeda Muqdisho.
Inkastoo wasiirka uu hadalkaasi ka dhawaajyay aya hadana Dekeda Magaalada Muqdisho waxaa gaadiidka isticmaala looga qaada lacago sharcidaro ah oo dhawaan wadayaasha gaadiid ay ka cabanayeen.
Warka Wasiirka wuxuu imaanaya iyadoo Dekeda Muqdisho meelaha qaar gaadiidka looga qaado lacago kala duwan oo lagu sheegay inay tahay canshuurta Dowladda hoose ee Soomaaliya inkastoo wasiirka uu arimahaasi meesha ka saaaray.
Wasiirka maaliyada Xukuumadda Soomaaliya ayaa hadalkaan maanta warbaahinta ku siyay aqalka baarlamaanka Soomaaliya halkaasi oo uu howlo shaqo u tagay.
Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
Kuli mooryaanta iyo Dawladuba waa tuugo