DF Somali oo lagu dhalleeceeyay sida ayan uga jawaabin xannibaadda Internet

 

Rag Soomaali ah oo internetka ka isticmaalaya
Rag Soomaali ah oo internetka ka isticmaalaya

Xukuumadda Soomaaliya ayaa waxa ku soo dhacaya cadaadis sii kordhaya oo ka saaran in ay wax ka qabato qorshaha ballaaran ee sii kordhaya ee ay al-Shabaab ku xanibtay internetka kadib markii adeeggaas dhawaantan laga joojiyay goobaha ay gacanta ku hayso xukuumadda sida Muqdisho.

Xukuumadda Soomaaliya ayaanan wali soo saarin hadal rasmiya tan iyo markii ay al-Shabaab soo saartay digniintii kama dambaysta ahayd biloowgii January ee ay shirkadaha isgaarsiinta ku amraysay in ay ku joojiyaan bixinta adeegga moobile ka iyo adeegga internetka xawaaraha dheereeya ee fiber-optic-ga.

January 21-keedii, ayaa dada ku noel Buule Burde, Halgan Maxaas, Jalalaqsi iyo goobo kale oo ay ka taliso al-Shabaab waxay bilaabeen in ay soo sheegaan in adeeggii internetka ee Hormuud Telecom la joojiyay. Maalmo kadib, adeeggii Internet-ka ee Hiiraan iyo gobollada Jubbada Dhexe iyo Jubbada Hoose ayaa sidoo kale la joojiyay, taas oo arbushtay noloshii carana ka dhex dhalisay kumanaan ka mida muwaadiniintii uu arrinku sameeyay.

Laakiin waxa kadiso iyo la yaab ku noqday in badan, 6-dii February, waxa ka yar todobaad markii ay al-Shabaab awood ku gashay xafiiskeedii Jilib, ayay Hormuud Telecom kaliya bixinta adeegga internetka kama joojin goobaha ay ka taliso al-Shabaab e’, waxa ay sidoo kale ka joojisay goobaha ay gacanta ku hayso xukuumadda, sida Marka, Baydhaba, Kismaayo iyo Muqdisho.

“Waxa ay muujinaysaa daciifnimada in [xagjiriinta al-Shabaab] ee iyagaba dhuumashada ku jira ay awood u yeesheen in ay soo saaraan awaamir kana fuliyaan goobo ay gabi ahaanba gacanta ku hayso xukuumadda,” ayuu yiri Maxamed Cumar Dhalxa, oo xubin ka ah barlamaanka Soomaaliya.

Waxa uu sheegay in xukuumadda looga baahan yahay in ay qaaddo tallaabooyin degdeg ah oo ay uga jawaabayso jaridda internetka, sida in ay beesha caalamka waydiisato caawimaad.

“Tani waxa ay ku tusaysaa sumcad xumada xukuumadda,” ayuu u sheegay Sabahi. “Dadku kuma qanci karaan ‘dowlad ayaan nahay dowladnimana lama imaanayno.'”

Cabdishakuur Sheekh Xasan, oo ah agaasimaha Xarunta Caafimadka iyo Waxbarashada ee saldhigeedu yahay Muqdisho, ayaa sheegay in xukuumaddu la gudboon tahay in ay si furan uga hadasho qorsheheeda ku aaddan arrinka, oo ay dadweynaha u kala caddayso haddii ay arrinkan wax qaban karto iyo in ayan ka qaban karin.

“Xukuumaddu ma waxay sugaysaa xukuumaddu marka teleefannada hadalka iyo internetka kale oo dhan la gooyo? Markaas maxay ku wada xiriiri doonaan xitaa dowladdu, waayo isgaarsiin xukuumaddu malahan?” ayuu yiri.

Xasan waxa uu sheegay in Hormuud Telecom lagu khasbay in ay addeecdo amarka al-Shabaab sababta oo ah ma jirto cid difaacaysa xafiisyadooda iyo xarumahooda isgaarsiinta.

“Haddii ay [shirkaddu] amarka ka dhaga adeygaan waxaa ay al-Shabaab dhacayaan hantidooda taalla meelaha ay joogaan. Sidoo kalana waxay qaraxyo iyo weerro ku qaadi karaan xarumaha kale ee ku yaalla meelaha xukuumadda federaalka ahi maamusho,” ayuu u sheegay Sabahi, isaga oo intaa ku daray in xalka kaliya ee u yaal xukuumaddu uu yahay in ay qaaddo howlgal millatari oo ay ku xoreeynayso goobaha ay xukunto al-Shabaab.

Xayiraadda internetku waxa ay curyaaminaysaa horumarka Soomaaliya.

“Mobile Internetka waxaa adeegsan jiray ardayda jaamicadaha iyo dugsiyada [sare] si ay u xalliyaan waajibaadka loo soo diro waayo dalku malaha maktabado laga heli karo culuum waafi ah ee Internetka ayey si fudud uga heli jireen baaristooda,” ayuu sheegay Xasan. “Intooda bandan ma awoodaan in ay guriga gashtaan Intrernetka kale ee [qaaliga ah].”

Xayiraadda ayaa sidoo kale si xun u saamaysay dhaqaalaha Soomaaliya iyada oo ayan muwaadiniintu isticmaali karin internetka si ay ula socdaan heerarka sarrifyada lacagaha adduunka isla markaana u horumariyaan ganacsigooda, ayuu sheegay, isaga oo intaa ku daray in ay taasi sidoo kale kor u qaadday qiimaha ay Soomaalidu kula xiriirto caalamka.

Marka la tixgaliyo in “dalka 67% ay yihiin dhallinyro ayna isticmaali jireen Internetka”, waxa uu sheegay in xiritaanka internetku uu sidoo kale uu xiray isticmaalka degdegga u koraya ee Soomaalidu u adeegsato warbaahinta bulshada.

Cabdi Axmed, oo ah 23-jir ayaa oo ku nool Dayniile sannadka afaraadna ee kulliyadda caafimaadkana ka dhigta Jaamacadda Benaadir, ayaa sheegay in istaajinta adeegga internet-ka uu saamayn xun ku yeeshay waxbarashadiisii jaamacadda.

“Waxan u isticmaali jiray internet-ka mobile-ka in aan ku sameeyo cilmi-baarista khusaysa layliyada aan ka soo qaado macallimiinteeyda,” ayuu Axmed u sheegay Sabahi. “Baaritaannadaas ma samayn karo maalmahaan sababta oo ah ma haysto internet.”

“Aniga iyo saaxibadeey waxan koox ahaan u isticmaali jirtay Whatsapp-ka […] oo aan ku xulan jirnay mawduucyo muhiim ah oo aan ka doodno oo aan aragtideenna cilmiyeedna ku wadaagno,” ayuu yiri.

“Waxan sidoo kale tagi jirnay isbitaallada si aan waraysi ula yeellanno bukaanka dabadeedna waxa su’aalaha iyo jawaabaha soo galin jirnay Whatsapp-ka kooxda si ay markaa ardaydu isugu daydo in ay maleeyaan xanuunka haya bukaanka, laakiin hadda fursaddan ma haysanno,” ayuu yiri Axamed.

Waxa uu sheegay in uunan haysan khiyaar kale oo u baddala internet-ka mobile-ka sababta oo ah kharashka qaaliga ah ee uu ku kacayo in guriga lagu soo xiro khad internet iyo kambuyuutarka guriga ee uunan haysan. “Sidoo kale, xittaa haddii aan helo [kombiyuutar guri], waa wax meel yaal oo aanan ku isticmaali karin meel walba oo aan aado.”

Xukuumaddu waa in ay ‘al-Shabaab u qabataa waqti kama dambays ah’

Cadceed Sheekhdoon, oo ah guddoomiyaha Ururrada Bulshada Rayidka ah ee Dhuusamareeb, oo sameeyo adeegyo ay ka mid yihiin ololayaal wacyigalin ah, barnaamijyo waxbarasho iyo soo dabaallidda dhallinyarada, ayaa sheegay in aan laga maarmi karin internetka ayna tahay in si degdeg ah loo soo celiyo.

“Go’aanka al-Shabaab waxa uu ahaa go’aan xun, oo ay bulshda ku dhabar jabiyeen,” ayuu u sheegay al-Shabaab. “Waxa ay doonayaan in ay dadka dib u celiyaan, waxa ay doonayeen ummad jaahil ah oo iyaga uun wax ka maqasha, ilbaxnimada ayayna la dirirayaan.”

Sheekhdoon ayaa ugu baaqay xukuumadda in ay la shaqayso dadwynaha oo ay u soo gudbiso istaraatijiyad iyo qorshe ay taageeri karaan. Waxa uu sidoo kale ugu baaqay bulshada in ay ka horyimaadaan al-Shabaab.

“Codkooda waa in ay mideeyaan, banaanbax sameeyaan, oo ay kacdoon sameeyaan, xukuumaduna waa in ay waqti kama dambeys ah u qabataa nimankaan,” ayuu yiri.

Waxa uu sheegay in shirkadaha isgaarsiita ay sidoo kale la gudboontahay in dhaqaale ku taageeraan xukuumadda sifo loo tirtiro al-Shabaab. “Haddii kale al-Shabaab waxay samaynaysaa waxay doonto.”

Sabahi waxa ay la xiriirtay Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Mustafa Cali Dhuxuloow iyo afhayeenka xukuumadda Ridwaan Xaaji Cabdiweli si ay faallo uga bixiyaan xayiraadda internet-ka, laakiin labaduba waa ay diideen.

W/Q: Xamdi Salaad

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here