Xukuumadda oo ka hortageyso qaraxyada Shabaab ka geystaan Muqdisho

Wasiiru dowlaha amniga gudaha ee Dowlada KMG Somalia Dr. Cabdi Cali Xasan oo la hadlayay mid kamid ah idaacadaha ku yaala magaalada Muqdisho ayaa sheegay inay yaraadeen qaraxyadii Al-Shabaab ay ka geysan jireen Magaalada Muqdisho.

Wasiiru Dowlaha wuxuu sheegay inay ka warqabaan Al-Shabaab inay markasta abaabulaan qaraxyo laakiin muddooyinkii dambe aysan jirin wax qaraxyo ah oo ay sameeyeen,isaga oo taasi ku micneeyay feejignaanta ciidamada dowladda ay ku jiraan iyo sidoo kale xaqiijinta ammaanka oo ay ku dadaalayaan.

Dr. Cabdi ayaa sidoo kale sheegay in Magaalada Muqdisho loo sameeyay koontaroolo badan oo lagu xaqiijinayo ammaanka,isaga oo intaa raaciyay in goobaha shirka uu ka dhacayo ciidamada dowladda ay joogaan ammaankana ay xaqiijiniyaan.

Wuxuu tilmaamay in ciidamo gaaraya 1500-oo ciidan lagu daadiyay caasimada si ay u sugaan ammaanka.

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa waxa ay ku dadaalaan ammaanka Magaalada Muqdisho, inkastoo ay suura gal tahay inay dhacaan falal lidi ku ah ammaanka.
Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here