Xukuumadda oo sheegtay in wali ay baaritaano ku socdaan dadkii siyaabo kala duwan loogu dilay Muqdisho

Muqdisho(Hl):“March 19, 2013”War Saxaafadeed kasoo baxay Xafiiska Raisul Wasaaraha Xukuumadda Federalka Soomaalia oo laxiriira dhacdadii dilka ahayd ee kadhacday Magaalada Mogdisho March 14, 2013.  Dhacdadaasi oo golaha wasiiradu u xilsaareen soo baaristeeda gudi Sadex xubnood ka kooban oo ka tirsan golaha wasiirada.

Gudigaas oo laga sugayay inay golaha jawaab kusoo celiyaan maanta ooy taariikhdu tahay March 19, 2013.

Haddaba Gudigii markay hawshii guda galeen ayaa waxaa u soo baxday inuu u baahan yahay wakhti dheeri ah oo uu  kusoo dhamaysto baaritaankiisii una soo gudbiyo gollaha wasiirada markii arintan uu soo afjaro.

Mahadsanid.

Abdullahi Elmoge Hersi
Wasiirka  Warfaafinta, Isgaarsiinta, & Gaadiidka.
Somalia

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here