Xukuumadda oo meel marisay xuquuq gaara uu yeelanayo Madaxweynihii hore

Ilo xog-gaal oo ku sugan xarrunta madaxtooyada Soomaaliya, ayaa sheegay in dowladda Soomaalya ay meel marisay xuquuq gaar ah oo uu yeelanayo madaxweynihii horre ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo hadda fasax ugu maqan waddanka Turkiga.

Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa la filayaa in uu warqad digreeto ah uu ku soo saaro xuquuqda gaarka ah ee uu yeelanyo madaxweynihii horre oo hadda ah xildhibaan ka tirsan baarlamaanka.

Xuquuqaha gaarka ah ee madaxweynihii horre

Ilaha aan warkan ka soo xigganay ayaa sheegaya in madaxweynihii horre Xasan Sheekh Maxamuud uu yeelan doono miisaaniyad gaar ah.

Waxaa kaloo sidoo kale la meel mariyey in sidii kale xuquuq gaar ah la siiyo xaasaskiisa, carruurtiisa aan Qaan gaarin, shaqaalihiisa sare, shaqaale hoosaadkiisa, gaadiidkiisa iyo Tikidkiisa diyaaradeed ee safaradiisa shaqo.

Sidoo kale xuquuqaha gaarka ah ee la siinayo madaxweynihii horre waxaa ka mid ah mushaarka Hal urur oo ciidan ilaaladiisa gaarka ah.

Si kastaba, dhammaan xuquuqaha la siinayo madaxweynihii horre ee Soomaaliya waxaa u oggolaanaya qodobka 64-aad ee dastuurka dalka oo ah qoddob la baddelay xilligii uu dalka Madaxweynaha uu ka ahaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here