Xukuumadda Oo Faah Faahin Ka Bixisay Shirar Looga Hadlayey Ammaanka

Wasiirka gaashaandhigga ee Xukuumadda KMG Soomaaliya Xuseen Carab Ciise oo maanta dib ugu soo laabtay Dalka ayaa waxa uu faah faahin ka bixiyey shirar looga hadlayey arrimaha dalka Soomaaliya oo ka kala dhacay isutagga Imaaraadka Carabta, Talyaaniga iyo waddanka Kenya.
Xuseen Carab Ciise oo shir jaaraa’id Saxaafadda ugu qabtay garoonka diyaaraha ee Magaalada Muqdisho ayaa waxa sheegay in Magaalada Dubai ee Isutagga imaaraadka Carabta uu kaga qeyb galay kulan looga hadlayey sidii wax looga qaban lahaa kooxaha burcad badeeda Soomaaliya ee ku xoogeysanaya biyaha dalka Soomaaliya iyo gacanka Cadmeed.

Wasiirka gaashaandhigga Xukuumadda KMG Soomaaliya ayaa sidoo kale tilmaamay in magaalada Nairobi ee Xarunta Dalka Kenya uu kaga qeyb galay kulan looga hadlayey xaaladda amni ee Dalka iyo sidii looga hor tagi lahaa kooxo uu ku tilmaamay inay caqabad ku yihiin ammaanka Dalka Soomaaliya.

Xuseen Carab Ciise Wasiirka gaashaandhigga ee Xukuumadda KMG Soomaaliya ayaa dhinaca kale Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya Saraakiishooda ugu hambalyeeyey qabsashadii Deegaanka Laanta buuro oo shalay ay gacanta ku dhigeen Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM isagoo tilmaamay in howlgalku uu yahay mid sii soconaya.

Wasiirka gaashaandhigga ayaa gabagabadii Shirkiisa jaraa’id ku sheegay in talabaabo sharciga waafaqsan laga qaadi doono cid kasta oo ku xadgudubta shacabka Soomaaliyeed isagoo sheegay in shacabka Soomaaliyeed ay Masuuliyad ka saaran tahay ilaalinta ammaanka goobaha lagala wareego Ururka Al-Shabaab.

Dhowr jeer oo hore ayaa wadanka Dibadiisa waxaa lagu qabtay shirar looga hadlayey sidii looga hortagi lahaa awoodda sii kordheysa ee kooxaha burcad badeeda Soomaalida, hase ahaatee ma aysan muuqan talaabo lagu maquuniyey awoodda kooxaha burcad badeeda marka laga reebo in burcad badeeda Soomaalida howlagalladooda ay ku qafaalayaan Maraakiibta ay ku xoojinayeen xeebaaha Dalka Soomaaliya iyo kuwa ka baxsan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here