Xukuumadda oo bilaabaysa qaadista Canshuurada dalka

War kasoo baxay wasaarada Maaliyada Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in sanadkaan Cusub bilaawgiisa si rasmi ah dalka looga bilaabi doono qaadista Canshuurada.

Wasiirka maaliyada, oo shalay hadal kooban kahorjediyay fadhigii baarlamaanka ee lagu ansixinayay miisaaniyada sanadka 2013, ayaa sheegay ayaa qeexay in Xukuumada ay bilaabi doonto qaadista Canshuurada dhamaan dalka Soomaaliya.

Maxamuud Xasan Saleebaan, wasiirka Maaliyada waxa uu sheegay in Xukuumada Soomaaliya ay qorsheeysay in Canshuuraadka laga qaado gobolada dalka iyo magaalada Muqdisho.

“Waxaan Codsaneeynaa dhamaan hay’adaha dalka ineey wasaarada Maaliyada kala shaqeeyaan sida ugu haboon ee aan u bilaabi lahayn qaadista Canshuurada, guud ahaan dalka” ayuu yiri wasiirka Maaliyada.

Sidoo kale wasiirka ayaa sheegay in kahor intaan labilaabin qaadista Canshuurada ay xukuumada samayn doonto shuruuc iyo qawaaniin quseeysa Canshuurada, Xukuumada ayaa hadda ku tiirsan dhaqaalaha ay siiyaan doowladaha daneeya arimaha Soomaaliya.

Waxaa xusid mudan in shir ay gollaha wasiirada Xukuumada Solomaaliya ay dhawaan ku yeesheen magaalada Muqdisho lagu joojiyay dhamaan qaadista Canshuurada.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here