C/samad Macalin: Shabab dadka ayey ku qasbaan in aysan guurin


Xukuumada KMG ee uu waqtigeeda dhamaaday ayaa Al-shabaab ku eedeeyey  ineey masuul kayihiin qasaaraha dadka rayidka ah kasoo gaara duqeymaha ay diyaaradaha Kenya la bartilmaameedsadaan goobaha iyaga fariisimaha u ah.

Hadalkaan ayaa ka danbeeyay kadib markii ay diyaaradaha dalka Kenya duqeyn ay ka geysteen magaalada Baardheere ay qasaaro kasoo gaartay dad shicib ah oo aan waxbo galabsan.

Wasiirka arimaha gudaha iyo amniga C/samad Macalin Maxamuud oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in shacabka ku nool meelaha ay Al-shabaab maamulaan aysan awoodin ineey isga cararaan ama isaga baxsadaan dagaalada,iyadoo Al-shabaabna ay ku dhex dagaalamaan dadka shacabka ah dhexdooda.

Wasiirka ayaa intaas hadalkiisa kusii daray in caqabadaas darteed aysan ciidamada Amisom iyo kuwa doowladaba aysan u suurta galin ineey u dhaqaaqaan goobo cusub oo ay hada gacanta kuhayaan Al-shabaab,waxa uuna sheegay ineey inbadan kafogaanayaan in qasaaro uu soo gaaro dadka rayidka ah.

C/samad Macalin Maxamuud sidoo kale waxa uu kadhawaajiyay in AMISOM ay utimid wadanka soomaaliya Ineey nabadda ilaaliso oo kaliya balse aysan u imaan ineey faragashato arimaha siyaasada.

Hadalka wasiirka ayaa imaanaya kadib markii shalay magaalada Baardheere ay duqeeyeen diyaarado loo maleenayo in laga leeyahay wadanka Kenya,taasoo ay kadhalatay qasaaro soo gaaray dad rayid ahaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here