Xukuumada Soomaaliya oo soo dhaweysay in Ciidamada Ethiopia qayb ka noqdaan AMISOM

fowsiyaYusuf14-330x229Wasiirada Arimaha dibada Soomaaliya, ahna R/wasaare ku xigeenka Marwo Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan, ayaa markii ugu horeeysay ka hadashay qorshaha Ciidamada Ethiopia ay qaybta kaga noqonayaan howlgalka AMISOM.

Fowsiyo, waxa ay sheegtay in ay Tallaabo wanaagsan tahay Ciidamada Ethiopia ineey ku biiraan AMISOM, waxaana ay tilmaamtay in doowlada Soomaaliya ay soo dhaweeyneyso arintaas.

“Hadii maanta AMISOM ka mid noqdeen micnaha waa laga kafaalo qaatay wixii qarashka ku socday mudada dheer, Taariikhdii hore ee Ethiopia iyo Soomaaliya ee Cakirneyd way dhamaatay, Soomaaliya & Ethiopia labadaba waa doowlado cusub, wax badan beey iminka noo qabteen wax badana wey naga kaalmeeyeen, waad la socotaan wasiirka arimaha dibada Ethiopia waa ninkii dhex dhexaadiyaha guud ka ahaa heshiiska Jubooyinka isuna keenay madaxdii Jubooyinka iyo doowlada Federaalka Soomaaliya…..” ayay tiri Marwo Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan.

R/wasaaraha Ethiopia ayaa ku dhawaaqay,in Ciidamadiisa ay qayb ka noqon doonaan howlgalka AISOM, kadib kulan uu magaalada Addis Ababa kula yeeshay M/weyne ku xigeenka Kenya William Ruto.

R/wasaaraha Ethiopia ayaa tilmaamay in arintan ay ku qasabtay, kadib markii uu qal qal galay amaanka dalkiisa, taasina ay keentay in la adkeeyo dagaalada Al-shabaab lagula jiro ee Soomaaliya ka socda.

Halkaan ka dhagayso Codka wasiirada Arimaha dibada:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here