Xukuumada Soomaaliya oo ka jawaabtay digniinta Britain

Dowladda Somalia ayaa sheegtay inaysan waxa cusub aheyn digniin ay shalay soo saartay dowladda Britian oo ku wajahneyd muwaadiniinteeda u safra Somalia.

Digniintan ayaa lagu sheegay in Britain ay aaminsantahay in Argagixisada Somalia ay meel gaba gaba ah marsiinayaan weeraro ay ka fuliyaan magaalada Muqdisho.

Doowlada Soomaaliya, ayaa sheegtay ineeysan iyada haynin xog muujineysa in weeraro Argagixiso ay kusoo fool leeyihiin magaalada muqdisho.

Wasiirka warfaafinta doowlada Soomaaliya, C/laahi Ciil-mooge Xirsi, oo wareysi siinayay VOA-da ayaa sheegay in Britain ay xaq u leedahay ineey u digto muwaadiniinteeda, balse waxa uu sheegay in doowlada Soomaaliya aysan Britain la wadaagin wax sirdoon ah oo la xiriira qaraxyo soo socda.

Britain, ayaa dhamaadkii bishii January muwaadiniinteeda ku sugan Somaliland uga digtay nineey ka baxan halkaas,xiligaasoo Britain sheegtay ineey halkaas kadhacayaan weeraro argagaxiso ah, balse aysan dhicin weeraradaas.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here