Xukuumada Soomaaliya oo digniin adag usoo jeedisay Askarta dhibaateeysa Shacabka

Wasiirka arimaha gudaha Xukuumada Soomaaliya C/kariin Xuseen Guuleed, oo maanta ka qayb galay kulan kadhacay magaalada Afgooye islamarkaasna looga hadlayay dhibaatooyin ay Ciidamada doowlada ku hayaan shacabka halkaas dagan, ayaa sheegay ineey doowlada si naxariis daro ah ula dhaqmi doonto askarta caadeeysatay dhibaateynta shacabka.

Ciidamada doowlada Soomaaliya oo maanta howlgalo lagu soo qabtay rag katirsan Ciidanka doowlada oo maalmihii ugu danbeeyay, dhac, dil iyo kufsi ku hayay shacabka ku dhaqan deegaanada Afgooye iyo marka, kadib markii uu howlgalkaan soo idlaaday ayaa waxaa kulan ballaaran magaalada Afgoye ku yeeshay, Saraakiishii horkacaysay hawlgalka Maanta oo ay kamid ahaayeen Taliyaha Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliya C/qaadir Sheekh Cali Diini taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed Shariif Sheekh Una Maye taliyaha hay’ada Nabad Suiga Axmed Macalin Fiqi waxaa sidoo kale kulankaas ka qeybgalay wasiirka arimaha gudaha i amniga qaranka C/kariin Xuseen Guuleed , gudoomiyaha  maxkamada ciidamada qalabka sida Xasan Maxamed Xuseen Muungaab iyo maamulka gobolka shebeelaha hoose

Kulankaan ayaa muhiimadiisu ahayd, waxa laga yeelayo dhibaatada soo laa laabatay ay Ciidamada qaarkood ku hayaan shacabka ku dhaqan Shabeelada Hoose, Wasiirka arimaha gudaha oo ugu horeyn goobta kahadlay ayaa sheegay in xukuumada ay si naxariis daro ah ula dhaqmi doonaan Ciidamada caadeeystay dhibaateynta dadka shacabka ah.

Kalhore ayay ahayd markii uu madaxweyne Xasan Shiikh si adag uga hadlay dhibaatada ay Askarta qaar ku hayaan shacabka, waxaana uu kasoo saaray go’aan adag, madaxweynaha ayaa ku baaqay in askarigii lagu soo qabto fal kufsi ah kuna cadaato in latoogto, laakiin hadalka madaxweynaha ayaa u muuqda midaan la dhaqan galin maadaama wali ay sii socdaan dilalkii, dhacii iyo kufsiga oo ah tan ugu xun.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here