Xukuumada Soomaaliya oo ballan-qaaday sii wadida wadahadalada Somaliland

Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid”, Ra’iisulwasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa amaanay qaabka iyo hanaanka wanaagsan ay u shaqeeyaan maamulada kajira dalka Soomaaliya iyo horumarka ay ku tallaabsadeen.

Ra’iisulwasaare Saacid ayaa maamulka Soomaliland oo kamid ah maamulada kajira dalka ku amaanay nabadda iyo dimoqraadiyada ay gaareen, isagoona xusay in wadahadalada usocda maamulkaas iyo doowlada ineey noqon doonaan kuwo halkoosa kasii socda.

“Waxaan rabaa inaan u hanbalyeeyo dimoqraadiyada iyo horumarka iyo nabadda ay ku talaabsatay Somaliland, waxaan u xaqiijinayaa in xiriirka naga dhaxeeya Somaliland, iyo wadahadaladeenuba marnaba aysan noqon doonin, Xasarad, fara isku taag taag, dagaal iyo dhiig, waxaan aaminsanahay inaan sii xoojino wadahalada noo bilaawday si nabadgalyo ah, walalnimo ah, iskaashi ah oo ay kujirto danta Soomaaliyeed” ayuu yiri RW Saacid.

Dhanka kale Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya ayaa soo hadalqaaday maamulka Puntland, waxaana uu carabka ku dhuftay in qaar kamid ah dhaqdhaqaaqa Al-shabaab ay gaareen halkaas, waxaana uu sheegay in Xukuumada uu hogaamiyo ineey ka taageeri doonaan Puntland, ladagaalanka kooxahaas.

“Sidoo kale waxaan rabaa inaan inyar ka dhaho inaan ku faraxsanahay horumarka iyo dadaalka ay ku tallaabsatay mamul goboleedka Puntland, oo runtii ah mid aan aad raali uga nahay kuna faraxsanahay una duceeyneeyno, waxaanu ka xunahay in amaankooda ay Qatar ku hayaan kooxaha xagjirka ah oo ilaaheey anaga nooga yara gar gaaray dhibaatadoodii” sidaa waxaa yiri RW Saacid.

Ra’iisulwasaaraha ayaa sheegay in Xukuumadiisa ay garab taagantahay maamulka Puntland, sidii ay garab ugu siin lahaayeen dagaalka ay kulajiraan Al-shabaab, kuwaasoo hada dhibaato badan kawada halkaas.

Xukuumada uu hogaamiyo RW Saacid ayaa waxay jirtaa 104 maalmood, shalay ayayna ahayd markii uu RW kahor sheegay mudanayaasha baarlamaanka waxyaabihii  u qabsoomay Xukuumadiisa kadib markii ay soo idlaatay 100-kii maalmood ay qabsatay xukuumadiisa ineey kusoo gudbin doonto waxyaabihii u qabsoomay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here