Xukuumada Somalia oo Sheegtay inay Dib Usoo Ceshaneyso Hntida Maguurtada ah ee Dalka Gacantiisa ka Maqan

Wasaarada Arimaha dibada ahna Ra’iisalwasaare kuxigeen Drs.Fawsiyo Yuusuf Xaaji Adan ayaa maanta ka dhawaajisay inay dib usoo ceshan doonaan hantida ka maqan waddanka Somalia.

Fawsiyo waxay sheegtay inay iminka wadaan hab cusub oo somaliya dib udhis loogu sameyn lahaa qalabkii ay lahayd dibna matoorada loogu kicin lahaa waxyaabihii ay ku shaqeyn jirtay.

Drs.Fawsiyo Xaaji Adan waxay carabka ku dhufatay inay iminka wadaan wasaaradeeda sidii dib Xukuumada loogu soo gacan celin lahaa Maraakiib iyo diyaarado somaliya milki ahaan uleedahay.

Dhowr markab oo qaarkood ciladeysan yihiin ayaa waxa gacanta ku haya Dawlada Yaman iyadoo diyaarado ay somaliya leedahay sidoo kale ay jiraan waddamada caalamkana ku kala firirsan.

“Waxaan iminka diirada saari doonaa qaabkii aan kusoo ceshan lahayn hantida ma guurtada ah ee naga maqan si aan mar kale somaliya ugu soo celino sidii ay ahayd waxaa sidaa yiri Drs.Fawsiyo Xaaji”.

Hadalkaan Wasaarada Arimaha Dibada kasoo baxay ee Xukuumada Cusub ayaa kusoo aadaya xilli xukuumadihii hore ay ku fashilmeen dib usoo celinta hantidii ka maqneyd dadka iyo dalka Somaliya midana laga sugayo isbadalkay la timaado.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here