Xukuumada Oo Sharciyo Usamaynaysa Isgaarsiinta iyo Warbaahinta dalka Sawiro

Muqdisho:Ra’iisulwasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” ayaa shalay xariga kajaray Siminaar ku saabsan Xeerka Isgaarsiinta iyo Gaadiidka, Siminaarkan ayaana waxaa kasoo qayb galay bahda Saxafada, Isgaariisnta iyo Khubaro ka socota caalamka.

Xeerkaan ayaa u jeedkiisu yahay sidii shuruuc loogu samayn lahaa Isgaarsiinta ka howlgasha dalka gudihiisa sida Shirkadaha Telefoonada, Internetka, iyo Warbaahinta qaybaheeda kala duwan oo in ka badan mudo 22 sano ah aan lahayn shuruuc cayimaysa xuquuqdooda shaqo iyo qaabkii dowladda canshuurta uga qaadi lahayd.

“ Siminaarkaan wuxuu soconaya mudo labo casho ah, waxaana looga doodayaa xeerka isgaarsiinta iyo warbaahinta, dowladuna waxay qiraysaa dhibaatooyinka aad ku soo shaqaynayseen mudada dheer, iyadoo la ogyahay kaalinta ay Isgaarsiinta iyo Warbaahinta ka qaadatay horumarinta Bulshada mudadii aan ku jirnay bur-burka iyo dowlad la’aanta” sidaa waxaa yiri wasiirka warfaafinta iyo Isgaarsiinta C/laahi Ciilmooge Xirsi.

Ra’iisulwasaare Saacid, ayaa ugu danbeyntii umahad celiyay doorka ay shirkadaha dalka ka qaateen horumarka wadanka, gaar ahaan mudadii bur burka iyo dagalada wadanka kajireen.

“ Waxaan u mahad celinayaa kaalinta wax ku oolka ah ee ay shirkadaha isgaarsiintu ka soo qaateen hurumarka dalka mudadii dheerayd ee aan ku jirnay colaadaha iyo dowlad la’aanta, waxaa marnba aan la dhayal san karin sida ay u taageeraan adeegyada bulshada, oo ay ka midka yihiin Isbitaalada, Waxbarashada, Masaajidada, iyo iyagoo taageero dhaqaale u fidiya dadka marka abaaruhu soo wajahaan, waxa kale oo muhiim ah in la xuso heerka ay shirkaduhu gaarsiiyeen dalkeena oo aan dowladi kajirin ama nidaam adag lahayn mudo ku dhow 22 sano inuu noqdo wadan ku hormaray Isgaarsiinta iyo Aalada Internetka, waxaana Soomaaliya safka hore kaga jirtaa wadamada Africa ee ku hormaray dhanka isgaarsiinta” ayuu yiri Ra’iisul wasaare Saacid

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here