Xukuumada oo dajisay qorshayaal amniga Muqdisho lagu adkenayo

Muqdisho
Muqdisho

Xukuumada DF, ayaa sheegtay ineey dajisay qorshayaal lagu adkeeynayo amaanka Muqdisho, Qorshahan ayay wasaaraddu ku sheegtay inay tahay mid lagu baarayo goobaha gancsiga ah ee garaka loo leeyahay iyo hoteellada si amniga guud ee caasimadda loo adkeeyo.

Afhayeenka Xukumadda Somalia, Ridwaan Xaaji C/wali sheegay in baaristan ay saameyn ku yeelan doono shacabka, sidoo kale shacabka iyo xubnaha ka tirsan dowladda looga baahan yahay inay dul-qaad sameeyaan inta baaristu socoto.

Dowladda Somalia ayaa sheegtay in dadkii weerarkan geystay ay laba qof oo ka yimid dalalka Yurub qaarkood ay ahaayeen, kuwaasoo la sheegay inay ku jirtay haweeney hoteelka ka shaqeynaysay muddo afar bilood ah

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here