Xukuumada oo ansixisay in Muqdishoo loo sameeyo Ciidamo ka madax banaan wasaarada Gaashaandhiga

Golaha wasiirada ayaa Maanta isugu yimid kulankoodi isbuuclaha ahaa, kaasoo ay kaga hadleen xaalada amaan ee magaalada Muqdisho iyo Arimo kale.

Golaha wasiirada ayaa ka dooday qodob ku saabsanaa amaanka, waxaana shirka Maanta Gudoominayay Wasiirka koobaad ee Dalka Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid.

Wasiirada ayaa isku raacay in Magaalada Muqdisho loo sameeyo ciidamo ka madax banaan Wasaarada Difaaca Soomaaliya, waxayna sheegeen in xaafad kasta ay ka howlgali doonto Boqol askari ” 100 Askari ”.

Wasiirka warfaafinta Xukuumada cusub ee Soomaaliya Mudane C/laahi Ciilmooge Xirsi ayaa sheegay in wasiirada ay isku raaceen dhisida cidamo ka madax banaan wasaarada Gaashaandhiga, kuwaasoo la wareegi doona amaanka magaalada Muqdisho ee Caasimada Dalka.

Wasiirka warfaafinta ayaa sheegay in sida ugu dhaqsaha badan loo sameyn doono ciidamada ka madax banaan wasaarada Gaashaandhiga, waxaana uu sheegay wixii ka dambeeya inay la wareegi doonaan amaanka magaalada Muqdisho.

Lama oga waqtiga rasmiga ah ee ay hirgalayaan ciidamada la soo sheegayo ee ka madax banaan wasaarada Difaaca Soomaaliya, waxaana la rajeynayaa inay wax badan ka badalaan amniga magaalada Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here