Xukuumada KMgaarka ah oo markale ku hanjabtay inay Alshabaab dalka ka saarayso

Wasiirka Gaashaandhiga Dowlada KMG Xuseen Carab Ciise oo ku sugan magaaladdaKampalaee dalkaUganda ayaa sheegay in ciidamada dowlada ay dhowaan qaadi doonaan weeraradii ugu dambaysay ee dalka looga saarayo ururka Alshabaab.

Wasiirka oo kamid ah wafdiga madaxweynaha ee gaaray magaaladaKampalaayaa waxa uu sheegay in dhowaan ay dalka dib ugu soo laaban doonaan ciidamo uu ku sheegay in tababar wanaagsan soo qaateenisla markaana ciidamadaa ay ka qeyb geli doonaan dagaalo lagu qaadayo gobolada la jaarka ah magaalada Muqdisho ee weli ururka Alshabaab ay haystaan.

Hadalka Wasiirka Gaashaandhiga ayaa waxaa ku soo beegmay xilli sidoo kale ay tababaro ugu soo dhamaadeen ciidamo ka tirsan Dkgaarka ah dalka Itoobiya.

 Sidoo kale maamula Dkgaarka ah ee gobolada Shabeelooyinka ayaa waxa ay sheegeen in dhowaan ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM ay weerar ku qaadi doonaan gobolada SH.dhexe iyo Sh.hoose