Xukun Maxkamadeedka eedeymaha Kufsiga gabadha wariyaha ah “Faallo”

946101_550097895074342_2106258337_n

Muqdisho maanta waxaa ka dhacay xukun maxkamadeed oo lagu riday Mulkiilaha Idaacadda Shabeele, wariye idaacada ka tirsan & Gabar wariye ah oo sheegatey in la kufsadey, xukunkaasi sida uu u dhacay iyo sida loo maamulay qaab sharciga waafaqsan ma ahan, waxaa sida la ii sheegay loo diiday eedeysanayaasha dambiyada kala duwan lagu eedeeyey dushana loo saaray in loo diiday inay qabsadaan qareen difaaca, iyadoo qareenkii difaacayey madashada maxkamadda banaanka loofa saarey.

Eedeymaha ka dhanka ah Idaacada Shabele wuxuu salka ku hayaa dagaal mudo soo taxnaa oo ka dhex aloosnaa Idaacada & xubno ka tirsan maamulka gobolka & dawlada wuxuuna salka ku hayaa dano kala duwan, inkastoo ay aad u xun tahay awoodaha dheeraadka ah ee Idaacada loo adeegsadey, laguna aamusiyey, kuwaasi oo qayb ka ah caburinta saxaafada iyo gaboodfaladda joogta ah ee lagu hayo hawlwadeenada warbaahinta Soomaaliya.

Arinta foosha xun ee la yaabka ilaa hadda taagan ah waa qisada gabadhan sida ay ugu tahay dhibane dagaalka labadaasi dhinac u dhaxeeya, xukunkii maanta ma ahaa mid cadaalad ku dhisan, gabadhan yar ee maskiinta ah ma la dulmay, hadiise la dulmay yaa dulmay, sharafteeda ku ciyaaray, ihaano ka weyn ma jirto in ay Kaamiro hortimid oo ay sheegatey in la kufsadey, hadana maxkamad la saaray oo iyadii xukun lagu ridey, raggii ay eedeysay si cadaalad ah inay kiiskaasi fog yihiin sidee loogu qancin karaa aniga iyo in badan oo su’aal ka qaba.

Waxaan maqlay in baaritaanka mudadii uu socdey loo xilsaaray dhakhatar gabadha ku sameeya baaritaan in la kufsadey hadii la cadeeyey inaan la kufsan baaritaankaasi oo madaxbanaan saxaafadda iyo dadka ma loo soo bandhigay, hadiise waxa ay sheegatey ay sax yihiin cadaalada ma la horkeenay kuwa ka dambeeyey dhagartaasi, hadii ay ka yihiin nadiif arinkaasi cadeyn buuxda maxaynu uga heli waynay.

Dooda ku aadan in gabadha la qalday oo dagaal aanay ku laheyn lug ay dhex gashay maxaa si waafi ah loogu cadeyn waayey, waxaa hubanti ah in wax kasta oo jira aanay ka qarsoonayn ALLE oo isagu xisaabin doona qof kasta wanaagiisa iyo xumaantiisa, miskiintaasi ILAAH ha u gargaaro dabcan waxaan shaki ku jirin cidii wareysiga ka qaaday ama kuwa eedeysay in dhinac uun ay dambiga leeyihin laakiin ILAAH ayaa inaga og, iyadu maanta waa dhibane hadana xukun lagu riday.

W/Q: Mowliid Xaaji Cabdi

London :UK

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here