Xukumada ayaa baaq u dirtay Waaxda Socdaalka iyo Jinsiyadaha

Wasiirka arimaha gudaha iyo amniga qaranka dowlada KMG Soomaaliya ayaa ugu baaqay Waxaada Socdaalka iyo Jinsiyadaha Dowlada KMG Soomaaliya in ay ilaaliyaan dadka soo galaya iyo kuwa ka baxaya dalka Soomaaliya.

C/samad Macalin Maxamuud ayaa si gaar ah fariintaan ugu diray taliyaha Waaxda Socdaalka iyo Jinsiyadha Sareeye Guuto C/;aahi Gaafoow Maxamuud.

“Amniga in la ogaado waxa wadanka soo galaya waxa ay yihiin iyo kuwa ka baxaya, in la ogaado cida wadanka imaaneysa in ay xumaan noo wado iyo samaan, waad ogtihiin in qaska haatan jira in dad badan oo dibada ka yimid ay qeyb ka yihiin waana dad raba in Soomaaliya aysan ka bixin dhibaatada jirto. ayuu yiri.

Dowlada KMG ayaa wado dadaalo ay ku xaqiijineyso amniga Muqdisho bisha soo aadan ee Ramadaan, iyadoo ay sidaasi jirtana waxaa wali ka dhacaya magaalada qaraxyo.

Kii ugu danbeeyey waxaa shalay lagu qaarijiyey wasiirki hore ganacsiga dowlada KMG Soomaaliya, Dr. Maxamud Cabdi Garweyne.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here