Xubnaha Hogaanka Maamul goboleedka Khaatumo oo loogaga dhowaaqay Taleex


Waxaa magaalada Taleex  lagaga dhawaaqay gaar ahaan Berdaha Khaatumo  xubnaha hogaanka u qabanaya maamulka Khaatumo-State Of _Somalia

Xubnahan ayaa la sheegay inay xilka haynayaan muddo gaadhaysa 18 bilood, si looga baxo xaalada adag ee lagu jiro. iyadoo  la dhaariyey xilkii qaar ka mid ah.

Waxaa si ku meel gaar ah loogu doortay magaalada Taleex inay noqoto Caasimadda maamulka Khaatumo.

Waxaa iyana lagu dhawaaqay in Golaha Wakiiladu ka  koobnaan doonaan 47xubnood oo 9 ka mid ah loo qoondeeyey inay noqdaan Haween.

 

Magacayada Golaha madaxtooyada ayaa kala ah:

– Axmed Cilmi Cismaan (Karaash)

– Maxamed Yuusuf Jaamac (Indhosheel)

–  Cabdibuur Cilmi Qaaji (Biindhe)- (Dib baa laga dhaarinayaa)

Magacayada Golaha Wasiirada:

1. Xuseen Saleebaan Xaaji Axmed (Dabay)-  Wasiirka Wasaaradda Xiriirka Caalimiga iyo Jaaliyadaha

2. Maxamed Ducaale Cabdi- Wasiirka Amniga Qaranka

3. Cismaan Axmed Jeex- Wasiirka Wasaaradda  Maaliyadda

4. Cabdikariim Faarax Dhaaye- Wasiirka Wasaaradda Horumarinta iyo

Khayraadka Dabiiciga

5. Maxamuud Diiriye Cabdi Joof- Wasiirka Wasaaraada Adeega Arrimaha Bulshada

6. Yasiin Axmed Sulub- Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha