Eliot Engol, oo ah mudane katirsan Koongareeska Mareeykanka islamarkaasina laga soo doorto magaalada New York, ayaa walaac xoogan ka muujiyay jihada ay wax u wadaan madaxda Hogaamisa DF ee Soomaaliya.
Eliot Engol, waxa uu sheegay in xaaladda hogaanka Soomaaliya ay sii xumaaneyso, islamarkaasina at hakadeen dagaalada lagulajiro Alshabaab. Kadibna ay xigtay eryida wakiilka QM u qaabilsanaa Soomaaliya.
“Welwelka aan waa qabo waa jihada ay Soomaaliya ku socoto” ayuu yiri mudane Eliot.
Walwalka mudane Eliot ayaa imaanaya maalmo kadib markii ay DF erisay wakiilkii QM u qaabilsanaa Soomaaliya Nicholas Haysom.