Xubin Iyo Xeyb oo Hanjabaadyo u Diray Puntland

Xubin Iyo Xeyb oo Hanjabaadyo u Diray Puntland

Kulan ay iskugu yimaadeen waxgaradka maamulka xubin iyo xeyb ayaa waxey hankabaad kulul u direen maamulka Puntland.

Maamulka xubin iyo xeeb ayaa Warsaxafadeedkani ku sheegay in ay Maamulka Puntland ay Xabsiyadooda ku Jiraan dad ka soo jeeda Deeganada Xubin iyo Xeeb, iyagoo ay tilmaamay in ay dadkaasi Maxaabiista ah ay wax Danbi ah laheyn,

Masuuliyiinta iyo Odayaasha Dhaqanka ee Xubin iyo Xeeb ee kulanka yeeshay ayaa Warsaxaafadeedkii ka soo baxay kulankooda, ay ugu hanjabeen Madaxweynaha maamul Goboledka Puntland, iyagoo sheegay in ay arinkaasi haddii uu wax ka qabanwaayo amaba uu soo deyn waayo ay Taalaabo ku dhaqaaqayaan Maamulka Xubin iyo Xeeb.

Hanjabaada Xubin iyo Xeeb ayaa ku soo aadysa Xilli uu Taliyaha Xabsiga Gaalkacyo uu Dowladda ugu Baaqay in ay Maxaabiista Xabsigaasi ay heysato xaalad nolol Xumi ayna wax ka Qabtaasi arinkaasi ama uu sii deynayo Maxaabiista, iyadoo maamulka Xubin iyo Xeebna ay tahay markii ugu horeysay uu Baaq Nuucaani ah u dirto Maamulka Puntland.

Sikastaba kulanka ayaa ahaa mid xasaasi ah oo ey canbaareen iyo hanjabaaydo ey u dirayeen maamul goboleedka Puntland.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

Midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here