Xoogaga Al-shabaab oo gaaray degmada Bandar Bayla

1458049016f156fXoogag fara-badan oo sida la sheegay ay wejiyada u duuban yihiin, ayaa waxay galabta gaareen deegaano hoos-tagga Degmada Bardar Bayla ee Gobolka Bari.

Xoogagan, ayaa waxaa la sheegay inay ka soo tallaabeen deegaanka Garmaal, ayna xalay ku hoydeen deegaanka Garacad ee Waqooyiga Gobolka Mudug.

Saciid Aadan Cali (Saciid Anteeno), Gudoomiyaha Degmada Bandar Bayla, ayaa wuxuu xaqiijiyay in loo soo sheegay xoogag hubeysan, oo soo gaaray deegaano hoos yimaada buu yiri Degmada Bardar Bayla.

Gudoomiyaha, ayaa waxaa uu sheegay inaanay garanayn ujeedada Xoogaga Ururka Al Shabaab taabacsan, balse ay maqlayaan warar sheegaaya inay u sii socdaan dhinaca bariga ka xigta Degmadiisa, sida uu yiri.

Gudoomiyaha oo la hadlay VOA, ayaa wuxuu dagaal-yahanada Shabaabka uu kaga digay inay gudaha u soo galaan Bandar Bayla, isaguna aanu weerari doonin, haddii si nabadgelyo leh ay ku marayaan buu yiri badda.

Waa markii ugu horeysay oo deegaanada xeebaha Puntland dhaca sidaan si lamid ah loogu arko dagaal-yahano fara-badan, isla-markaana taabacsan Ururka Al Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here