XOG: Odayaal Warqad Cajiib ah u Diray Nicolas Key

Odayaash Galgaduud
Shirka Odayaash Galgaduud

Wararka naga soo gaaraya deegaanada gobolada dhexe Somalia ayaa sheegaya in odayaasha dhaqanka ee ka qeyb galaya shirka Dhuusamareeb ay diidan yihiin in shirka dib u hishiisiinta uu ka dhaco magaalada Cadaado ee xarunta maamulka Xibin iyo Xeeb.

War qoraal ah oo ay ku saxiixnaayeen odayaasha ka qeyb galaya shirka Dhuusamabareeb ayaa  loo diray qaramada midoobay oo ay kaga codsanayaan in la tixgaliyo rabitaankooda ah inuu shirka ka dhaco magaalada Xarunta u ah gobolka Galgaduud ee Dhuusamareeb.

Odayaasha iyo dhamaan ka qeyb galayaasha shirka ayaa sheekada la yaabkle ah ay ku qoreen warqadda ay u direen Wakiilka Qaramada Midoobay Somalia Nicolas Key ay ku qorneed inay odayaasha doonayaan inay dukadaan salaadda Waajibka ku ah sidaas darteed aysan tagi Karin magaalada Cadaado oo ay sheegeen in aan lagu dukan Karin salaadda.

“Waxaa rabnaa inaan salaadda dukanno waxaa nahay dad muslimiin ah magaalada Cadaado hantirada taallo 85% waa hantida burcad badeeda oo dhac baahsan u geystay maraakiib ganacsi oo marayay marin biyoodka Cadmeed sidaas darteed ma doonayno in salaaddeena dhibaato ku timaado ayaa lagu yiri warkii qoraalka ee loo diray Nicolas Key.

Magaalada Cadaado ee maamulka Xibin iyo Xeeb ayaa muddo ku dhow hal sannadood isku diyaarinaysay marti galinta shirka  lagu sameenayo maamulka gobolada dhexe laakin waxay u muuqataa in shirkaas lagu qaban doonno xarunta gobolka Galgaduud ee Dhuusamareeb.

 

1 COMMENT

  1. Odayaasha dhaqanka Iyo Golaha guurtyida Gobladda dhexe iyo dhamaan ka soo qeyb galayaasha shirka MIDNIMO QARAN ee ka so da dhacaayo cadaado wey ku dhan yihiin ergadda shirka ka soo qeyb galeyso…

    Shirkana meel fiican ayuu marayaa… Waxaan rabaa inaan Odayaasha XUSUUSIYO shirkaani waxba kama gelin Nicolas Kay Iyo Qaramadda midoobey, ee waa Shir u dhexeeye Dad Soomaaliyeed oo doonaya iney Degaankoodda u sameystaan maamul wanaagsan.

    Salaadda meel kasto oo ay kugu qabato waa ku dukan karaan…iskaba daay magaalo aad u weyn macquul maaha iney ka waayan goob ay Salaadda ku bixiyaan.

    Shirkaani waa wejiga 1-aad. Kuwa soo socdana ee ku Saabsan Dib u heshiisiinta way dhici doonaan si ay umaaddu isku cafiso waxana lagu qaban doonaa GEED HOOSTIISA, SIDA DHAQANKA IYO CAADADA U AHAYD UMADDA SOOMAALIYEED.
    MA QABO sabab ay u diidaan odayaasha waa isku mid haddii uu cadaado ka dhaco iyo haddii uu ka dhaco Dhuuso mareeb. Waa 2 magaalo oo Soomaaliya ku yaalo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here