Xog: Waa maxay ujeedada uu A.madoobe u tegay Cadaado?

Axmed Madoobe oo tegay Cadaado
Axmed Madoobe oo tegay Cadaado

Madaxweynaha Maamulka Jubaland Axmed Madoobe, ayaa shalay lagu soo dhoweeyay degmada Cadaado oo xarun ku meel gaar u ah maamulka Galmudug. Wafdiga Madaxweynaha ayaa Cadaado waxaa kusoo dhwaweeyay Madaxweynaha Galmudug Cabdkariin Xuseen Guuleed.

Warar Hoose ayaa sheegaya in labada Madaxweyne ee Galmudug & Jubbaland, ayaa la sheegay ineey si qoto dheer uga wada hadleen shirka dhawaan ka furmi doona magaalada Kismaayo.

Sidoo kale wararku waxay intaas ku darayaa in Axmed Madoobe ujeedkiisa ugu weyn ee uu Cadaado u tegay ay tahay, sidii uu Madaxweyne Guuleed uga dhaadhicin lahaa, inuu ka tanaasulo qodobka 4.5 islamarkaasina uu la qaato fikirka ah in qaab deegaan wax lagu doorto.

Xogtu waxay intaas ku dareysaa in labada masuul kulankooda oo qaatay 4 saacadood, uu Axmed Madoobe si aad ah isugu dayay inuu Guuleed ka dhaadhiciyo inuu garabkooda kula soo biiro in qaab deegaan wax lagu soo xulo islamarkaasina laga gudbo nidaamka 4.5.

Balse Guuleed, ayaa warar hoose sheegayaan inuu ka dhaga adeegay isku dayga Axmed Madoobe uu doonayay inuu kaga dhaadhiciyo inuu ka tanaasulo nidaamka 4.5.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here