Xog: Sanchez oo saacadaha soo socda ku biiraya safka Guardiola

Xidiga reer Chile Sanchez ayaa doonaya in uu iskaga baxo Arsenal kadib markii ay Gunners xili ciyaareedkan ku fashilantay in ay u soo baxdo Champions Leaque-ga isla markaana ay kaalinta shanaad kaga dhamaysatay horyaalka Premier Leaque-ga.

Wariayaha caanka ah ee dalka Chile ee Maks Cardenas ayaa sheegay in Alexis Sanchez uu doonayo in uu Manchester City ku biiro balse uu Arsene Wenger dib u dhigayo heshiiskan maadaama oo aanu doonayn in uu Sanchez ka iibiyo koox Premier Leaque-ga kula tartamaysa.

Laakiin warka ugu wayn waxaa sheegay wariyaha ree Spain ee Gerard Romero kaas oo ka hawl gala idaacada Barcelona uu saldhigeedu yahay ee Moguts pel Barca kaas oo bartiisa twitterka ku soo qoray in Sanchez uu maamlmaha soo socda ku biiri doono kooxda Guardiola.

Gerard Romero ayaa soo qoray: “Alexis Sanchez waxa uu maalmaha soo socda noqon doonaa ciyaartoyda Manchester City ah”. Qoraalkan ayaa ka nixiyay jamaahiirta Arsenal isla markaana farxad wayn u abuuray jamaahiirta Man City.

Dhinaca kale wargayska Germany ka soo baxa ee Kicker ayaa shaaca ka qaaday in Bayern Munich ay diyaar u tahay in Alexis Sanchez ay siiso mushaarkii uu Arsenal ka dalbaday iyada oo waliba sanadkii u qorshaysay in uu kooxdeeda ka qaato 25 milyan oo euros waana lacag u dhiganta 21.7 milyan gini.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here