Xog: Madaxweynaha oo isbadal ku sameeynaya Garsoorka Dalka

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dhowaan ku dhawaaqay in isbedal buuxa lagu sameyn doono garsoorka dalka, waxaana middaasi keentay walwal soo wajaha mas’uuliyiin badan.

Guddoomiyaha maxkamadda sare iyo xubno kale oo madax ka ah maxkamada dalka ayaa markaan aad uga baqaya in shaqada laga eryo, qaarkood in xabsi la dhigo ayeey ka cabsanayaan.

Waxyaabaha dhacay ee yaabka badan ayaa ah in maxkamadaha qaarkood ay dib usoo celiyeen kiisas ay si been abuur ah u xukumeen, kadib markii Farmaajo sheegay in xabsi la muteysan doono.

Waxaa la filayaa in maalmaha soo aadan ay soo baxdo wareegtada xil ka qaadista mas’uuliyiin badan oo maxkamadda sare ah, sidoo kalena waxaa la magacaabi doonaaa golaha adeegga garsoorka.

Farmaajo waxaa ka go’an inuu la yimaado ibsedal badan oo dhanka Garsoorka ah, waxaana la filayaa in dalka dadka ku sugan ay helaan cadaalad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here