Xog dhab ah oo laga helay diyaaradihi Uganda ee ku bur buray dalka Kenya + Sawiro


8 askari oo ka tirsan ciidamada cirka Uganda ayaa ka badbaaday labana wey ku dhimatay laba diyaaradood oo kuwa dagaalka ah oo ku bur burtay gudaha dalka Kenya.

Diyaardahan oo ay laheyd dowlada Kenya ayaa lagu waayey hawada Kenya xilli ay kusoo jeedeen dalka Soomaaliya, balse warkooda oo sugan ayey dowlada Kenya maanta soo saartay.

Laba ka mid ah diyaaradaha ayaa badbaadayt, balse labadi kale ayaa ku bur buray gobolka kenta ay ku badantahay ee la yiraahdo Mountain Region.

Simon Gitau, oo ah sarkaal ka tirsan Waaxda Xawayaanada Duurjoogta isla markaana ku lug lahaa gurmadki loo fidiyey ciidamada Ugandes-ka ee la socday diyaaradaha bur buray ayaa xaqiijiyey in laba ruux ay ku dhinteen, balse mid ka mid ah diyaaradaha bur buray ay ka badbaadeen 8 ruux oo la socotay.

Xaalada sideedan ayaa wanaagsan iyaga ayaana lugahooda uga soo baxay goobta bur burka sida uu sheegay Mr. Gitau oo intaasi ku daray in wali ay baarayaan hadii ay jiraan dad kale iyaga oo adeegsanaya eeyaha wax uriya.

Madaxweynaha dalka Kenya Mwai Kibaki ayaa tacsi u diray shacabka Uganda isaga oo uga tacsiyeyey askarti ku dhimatay diyaaradaha bur buray ee helikobtarada ahaa, isaga oo balan qaaday in baaritaan lagu sameyn doono sababta keenta bur burka.



LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here