XOG: Midnimo.com oo Heshay Waqtiga Rasmiga uu Furmayo Shirka Cadaado

cadaado
Degmada Cadaado ee Gobolada Dhexe Somalia

Muddoyinkii ugu dambeeyay waxaa gobalka Galgaduud ka soconayay dadaallo badan oo lagu doonayo sidii maamul loogu sameyn lahaa gobalada Mudug iyo Galgaduud.

Website-ka Midnimo.com ayaa ogaaday in socdaalkii maanta uu wasiirka Arrimaha gudaha Somalia C/raxmaan Odowaa uu ku tagay gobolada dhexe uu ahaa ujeedkiisa sidii xal looga gaari lahaa islamarkaasna ergada iyo siyaasiyiinta loogu wargalin lahaa waqtiga saxda ah uu shirka Maamulka gobolada dhexe uu furmayo. Ilo Diblomaasi oo lagu kalsoon yahay ayaa u Xaqiijiyay website Midnimo.com in maalinta Sabtida ah ee soo socota kuna beegan 11-ka bishaan April uu shirkaasi si rasmi ah uga furmi doono degmada Cadaado.

Shirkaan waxaa la filayaa in ay ka qeybgalaan mas’uuliyiin iyo sidoo kale Odayaasha dhaqanka ee kasoo jeeda gobalada Mudug iyo Galgaduud oo ah labada gobol oo maamulkaan gobolada dhexe loo sameenayo.

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here