XOG: 137 Xildhibaan oo saxiixay Mooshin ka dhan ah xukuumadda Kheyre

Ilo lagu kalsoonaan karo ayaa Midnimo.com u xaqiijiyay in ilaa 137 xildhibaan oo katirsan Baarlamanka Soomaaliya ay saxiixeen Mooshin ka dhan Xukuumada uu hogaamiyo R/wasaare Kheyre.

Xildhibaanadan saxiixay Mooshinka ayaa la sheegay ineey ka kala tirsanyihiin Xisbiyada Daljir iyo Dam-jadiid, waxanaa horboodaya Xildhibaan Ahmed Macalin Fiqi oo ah nin inta badan soo abaabula Mooshinada iyo jalaafooyinka Madaxda markaas xilka haysa.

Sidoo kale Xildhibaanada Mooshinkaan saxiixay ayaa kazoo kala jeeda labada aqal ee Baarlamanka, waxeeyna si aad ah u dhaliilsanyihiin qaabka ay u shaqeyso xukuumadda Kheyre, gaar ahaan xildhibaanada ayaa ka careysanyihiin faragekinta uu R/wasaaraha ku haayo shaqada wasaaradaha qaar.

Sida aan ku helyno wararka Xildhibaanada Mooshinka saxiixay ayaa isku balansaday marka laga soo laabto Fasaxa oo ku aadan Iida Kadib.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here