Xitaa cibaadadi: Sacuudiga oo muwaadiniinta Qatar u diiday ineey soo xajiyaan

Khilaafka u dhaxeeya dalka Qatar iyo wadamada Khaliijka ayaa gaaray heerkiisi ugu xumaa iyadoo Boqortooyada Sacuudiga ay muwaadiniinta Qatar kahor istaagtay ineey sanadkaan tagaan magaalada barakeysan ee Makka si ay usoo xijiyaan.

Aljazeera oo soo xiganeysa wargeyska Alsharq, ayaa sheegay in masuuliyiinta Boqortooyada Sacuudiga ay soo rogeen amar ah in muwaadiniinta Qatar aysan soo gali Karin dalka Sacuudiga si ay sanadkaan usoo xajiyaan.

Masuuliyiinta dalka Qatar ayaa si aad ah u dhaleeceeyay tallaabada uu Sacuudiga ku xanibay in muwaadiniinta Qatar aan loo ogoleen ineey soo xajiyaan.

 

 

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here