Xisbullah oo “sii wadi doono” dagaalka

131028172644_nasrallah_512x288_getty_nocreditHoggaamiyaha ururka shiicada ah ee Xisbullah ee dalka Lubnaan, Xasan Nasrallah, ayaa sheegay in ururkiisu sii wadi doono inuu qeyb ka ahaado dagaalka Suuriya.

Dagaalyahanka Xisbullah ayaa ka dagaallama dalka Suuriya iyagoo taageeraya dowladda madaxweyne Bashar Al-Asad.

Arrintaasi ayaa keentay xiisad ka dhacdo dalka Lubnaan, iyadoo laga cabsi qabo in dagaalka Suuriya uu ku fido dalkaas.

Ururka Al-Qaacida

Waxaa dalka Lubnaan ka dhacay qaraxyo qaarkood lagu beegsanayay xarumha ururka Xisbullah ee dalkaas.

Nasrallah ayaa sheegay in qaraxyada isbaba joogga ah ee haatan ka dhacaya Lubnaan ay qeyb ka yihiin dagaalka ururkiisa uu ka wado dalka Suuriya.

XisbullahDad taageera ururka Xisbullah ayaa lagu dilay weeraro ka dhacay dalka Lubnaan.Nasrallah, ayaa sheegay in hadafka ururkiisa uu yahay in Al-Qaacida laga hor istaago inay la wareegaan xukunka dalka Suuriya.

Tobaneeyo qof ayaa ku dhintay weeraro is qarxin ahaa oo ka dhacay meelaha ay ku badan yihiin Shiicada taageerta ururka Xisbullah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here