Xisbul Islaam oo ku dhawaaqay in ay ka go,een Al-Shabaab

Ururka Xisbul Islaam ayaa maanta ku dhawaaqay in ay ka go,een Xarakada Al Shabab oo ay mar hore la midoobeen.

Al Shabab ayaa iclaamiyey bishi December ee 2010 in ay dhankooda ay kusoo biireen Xisbul Islaam isla markaana labada dhinac ay ku midoobeen hal calan iyo hal magac oo ah Al Shabab.

Madaxa arrimaha dibada ee Xisbul Islaam, Sheekh Maxamed Macalin oo la hadlay idaacada VOA ayaa sheegay in baaritaano dheer kadib ay go,aansadeen in ay ka baxaan heshiiski ay kula jireen Al Shabab.

“Waa jirtay in aan isku biirnay laakin waxay taasi ku bilaabatay marki ay Shabab nagu bilaabeen dagaal iyo borobogaando maxalli ah iyo mid caalami ahba anagana waxaan diidaynay in dhalinyarada Soomaaliyeed isku baaba,aan dhiigna daato, baaritaano badan kadibna waxaan soo saarnay bayaankaan oo aan ku sheegnay in aan ka baxnay Al Shabab,” ayuu yiri Sheek Maxamed Mcalin.

Mar la weydiiyey in Sheekh Xasan Daahir Aweys oo madax u ahaa Xisbul Islaam uu wax ka ogyahay go,aanka ayuu ku jawaabay: “Anigu shaqsi ka hadli maayo ee waxaan ka hadlayaa Xisbul Islaam, waxaan  kale oo aan kuu sheegayaa in go,aankaan ay gaareen mas,uuliyiinta Xisbul Islaam,”

Sheekh Maxamed Macalin ayaa sheegay in ay la hadlayaan Dowlada cusub ee Soomaaliya isaga oo ku tilmaamay madaxweynihi hore Sheekh Shariif nin qayaanay Jihaadka iminkana uu muuqdo isbadal.

“Kooxdi qayaantay kacdoonki shacabka iyo jihaadka meesha way ka baxeen isbadalna waa muuqdaa laakin wax kasto waxay ku xirantahay kooxda hada awooda la wareegtay sida ay u dhaqmaan, hadii ay daneystayaal noqdaan kuwi haore meeshi ay mareen ayey marayaan,” ayuu yiri.

Hadalkaan ayey dad badan u arkaan mid aanan saameyn balaaran laheyn marki hadii uusan arintaan wali ka hadlin Xasan Dahir Aweys oo horay u ahaa gudoomiyaha Xisbul Islaam iminkana ka tirsan saraakiisha sare ee Xarakada Al Shabab.

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here