Xisbiga PDP oo xus weyn u sameeyey maalinta xoriyada Somalia

Munaasabad si heer sare ah loosoo agaasimay oo ay kasoo qeyb galeen masuuliyiin kala duwan,fanaaniin,haween,waxgarad,dhalinyaro iyo wariyaal islamarkaana ay soo qaban qaabiyeen masuuliyiinta xisbiga Nabbada iyo Horumarka ee “PDP” ayaa maanta ka dhacday xarunta Xisbiga.

Xaflada ayaa waxaa lagu xusayay muhiimada ummada Soomaaliyeed uleedahay 1-July- oo ah maalintii xornimada ay qaateen gobolada Koofureed ee Dalka Soomaaliya.
Masuuliyiinta kasoo qeyb gashay xafladaasi ayaa jeediyay hadalo muhiim ah oo ku taxaluqay weynaynta maalinta 1-Luulyo.

Prof Xasan Sheikh Maxamuud,gudoomiyaha Xisbiga Nabbada iyo Horumarka ahna musharaxa xilka madaxweynenimada Dalka Soomaaliya ,oo madasha hadal ka jeediyay ayaa ku dheeraaday ka hadalka muhiimada maalintii xornimada Gobolada Koofureed ee Dalka Soomaaliya.

Sidoo kale waxuu soo hadal qaaday ,hogaan u sameynta Dalka oo uu sheegay inay ku haboon tahay in loo doortaa ruux la yimaada qorshe oo uu ku maamulayo Dalka Soomaaliya.

Xasan Sheikh Maxamuud,Musharaxa madaxweynaha Dalka,ayaa dhanka kale ummada Soomaaliyeed ugu baaqay ka tagida Erayga “QABIIL” ,isaga oo sheegay in dhibaatada haatan ka taagan Dalka inay horseeday QABYAALADA.

Sidoo kale Xasan Sheikh ,ayaa ugu dambeyn dad weynaha Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay maalinta qiimaha weyn ku fadhida ee 1-da Luulyo.

Kasoo qeyb galayaashii xaflada oo wajiyahooda shacuur ka muuqatay ayaa dhanka kale waxay sheegeen inay hogaanka Dalka ay u doran doonaan masuul matali kara hogaaminta Dalka.

Ruwaayad kooban oo lagu soo bandhigay goobta Xaflada ka dhacaysay waxay ka hadlaysay,in diirada doorashada Sanadkaan la saaraa madaxweyne daacad ah,oo hogaamin kara ummadaan daalan.


Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.