Xisbiga PDP oo soo saaray talooyin ku aadan Shirka Istanbul

War saxaafadeed maanta kasoo baxay xisbiga Nabada iyo Horumarka ee (PDP) ayaa loogaga hadlay arrimo ku saabsan xaalada siyaasadeed ee xiligaan ka taagan dalka.

Nuqul ka mid ah war saxaafadeedka oo lasoo gaarsiiyey xafiiska Midnimo.com ee magaalada Muqdisho ayaa u dhignaa sidan:

Warsaxaafadeed

Geeddi socodka Dowlad dhisidda Soomaaliya

Shirka Istanbul II

I. Horudhac

Waxaan shaki ku jirin in Soomaaliya ay maanta marayso marxalad xasaasi ah ee dhinacyada siyaasadda, amniga iyo bulshada. Marxaladdaas oo keentay in dalku dib ugu laabato halkii uu ka soo hayaamay siddeed (8) sano ka hor, ka dib markii ay qabsoomi waayeen howlahii kala guurka si looga gudbo marxaladda ku meel gaarnimada. Haddaba,
Soomaaliya waxay u baahan tahay inayan dib u qaadin waddooyinkii horay loogu lumay ee sababay in dalku ku nagaado dowlad la’aan ama dowlad taagdaran.

Si kastaba ha ahaatee, dadka Soomaaliyeed waxay maanta haystaan fursad kale oo ay ku saxi karaan qaladaadkii hore.
Hannaanka Geeddi-socodka

Dadka Soomaaliyeed waxaa hinqasho yididiilo leh galisay in dadaalka dowlad dhisidda loo soo wareejiyo Soomaaliya gudaheed. Waxaa aad loogu farxay shirar isku xigxigay oo lagu qabtay goobo ka tirsan Soomaaliya gudaheed, inkasta oo dad badani ay su’aalo ka qabeen dhanka farsamada shirarkaas haddane waxay ahayd rajo cusub oo soo muuqatay.

Hase yeeshee, waxaa arrin niyad jab leh noqotay in mar kale nimanka la magac baxay saxiixayaasha ay dib ugu celiyaan DIBADDA geeddi-socodkii dowlad dhisidda ee ka socday gudaha iyagoo aan sheegin sabab macquul ah oo kalliftay arrinkaas.

Dibad u celintaas waxay sii adkeysay fikikirkii qalloocnaa ee ahaa in Xalka Soomaaliya yaallo dibadda. Taas ayaa keentay in dad badan oo Soomaaliyeed fursad Xal-Doon ah u arkaan ka qeybgalka shirka hadda ka socda Istanbul – Turky oo ay ka soo muuqato rajo wanaagsan.

Si kastaba ha ahaatee, iyadoo laga ambaqaadayo waayo aragnimadaas hore, Xisbiga Nabadda iyo Horumarka (PDP) wuxuu soo jeedinayaa baaqa hoos ku qoran:

III. Baaq

A. Saxiixayaasha

1. In ay garawsadaan in talada dalka ay leeyihiin dadweynaha Soomaaliyeed kana jawaabaan rabitaanka shacabka ee ku aaddan geeddi-socodka dowlad dhisidda

2. Iney joojiyaan isku gaar yeelidda talada geeddi-socodka dowlad dhisidda

3. In geeddi-socodka dowlad dhisidda dib loogu soo celiyo dalka gudahiisa, saxiixayaashuna ka cudurdaartaan dibad u celintiisa

4. Sidoo kale iney cudur daar cad ka bixiyaan meel ka dhaca ay u geysteen sharafta odayaasha dhaqanka iyo bulshada rayidka Soomaaliyeed ee ka qeybgalayo shirka Istanbul ee ay ku tilmaameen argagaxiso, dad ismagacaabay iyo dad aan cidna matalin

5. In ay soo afjaraan safarrada dibadda ee wax nuxur ah aan ku soo kordhineyn geeddi-socodka dowlad dhisidda xilli dadaallo badan oo xasilin ah ka socdaan dalka gudahiisa.
B. Beesha Caalamka

1. Daneynta beesha caalamku ay wali daneyneyso xal u helidda mushkiladda Soomaaliya waa arrin soo dhaweyn mudan hase yeeshee u baahan midnimo iyo taxaddar dheeri ah.

2. In beesha caalamku diiradda saarto sidii qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed kaalin mug leh oo muuqata uga qaadan lahaayeen hoggaaminta iyo ka qeybgalka geeddi-socodka dowlad dhisidda

3. Inaan marnaba la garab siin dhaqanka faquuqa, takooridda iyo isku koobidda talada oo billow u noqon karta kali-talisnimo dhismeysa

4. In beesha caalamku ka qaadato kaalin mug leh sidii habka geeddi-socodka dowlad dhisidda u noqon lahaa mid ka madax bannaan marin habaabin iyo tagrifal awoodda dowladnimo si uu u noqdo mid ay u simman yihiin muwaadiniinta oo dhan soona saaro hoggaamiyayaal lagu kalsoonaan karo

C. Ummadda Soomaaliyeed

1. Odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed in ayan seegin fursadda ay heleen ee ah inay ugu hiilliyaan Soomaaliya soo xulidda siyaasiyiin ka saari karta dalka ku-meel- gaarnimada daba dheeraatay

2. Dadweynaha soomaaliyeed iney u istaagaan sidii mar kale geeddi-socodka dowlad dhisidda aanu u hungoobi lahayn iyagoo si nabad ah ku muujinayo waxa ay doonayaan.

3. Xoogagga madaniga ah ee abaabulan iney u midoobaan sidii ay dowr hoggaamineed uga qaadan lahaayeen geeddi-socodka dowlad dhisidda

4. Sidoo kale xoogagga madaniga ah ee abaabulan iney mideeyaan codkooda isbaddel doonka ah si loo soo saaro hoggaan suubban oo dalka iyo dadkaba u abuura rajo cusub.
D. Mahadcelin

Xisbiga nabadda iyo Horumarka wuxuu:

1. Mahad ballaaran u celinayaa dhamamaan dadweynhii soomaaliyeed ee sida hagar la’aanta ah uga qeyb qaatay dadaalladii lagu sammatabixinayay dadkii ay abaartu waxyeelleysay iyo sii joogteynta gargaarkas
2. U mahad celinayaa beesha caalamka guud ahaan ee mar kasta dadweynaha Soomaaliyeed la garab taagan taageero dhan kasta ah

3. Sidoo kale mahad ballaaran u celinayaa dowladihii iyo hay’adihii ka qeybqaatay samatabixinta dadkii ay dhibaateeyeen abaaraha horraantii sannadkaan

4. Si gaar ah ugu mahadcelinayaa dowladda Turkey dadaallada cusub ee dib u dhiska dalka ee ay waddo

Wallahu Waliyu Saalixiin

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

1 COMMENT

  1. cajiib maxay ahaayeen xisbiyadaan fowdada ah waxaan ka soo gudubnay dagaal ooge,maxkamadaha,shabaab, suna waljamaaca iyo xisbiyaal magacyo kala duwan la baxay oo qurbaha laga keenay,waayaa goorma ayeey shacabka somaliyeed cod yeelaan doonaan. dowlada somaliya ayaa shaqo ku leh tirada xisbiyada dalka ka howlgeli doona.
    fudaydka iyo fowdada ha la joojiyo.

Comments are closed.