Xisbiga Nabada iyo Horumarka oo xusay munaasabada 8-da Marso

Munaasabad lagu maamuusayay maalinta Haweenka Adduunka ee 8-da bisha Maarso uuna soo qabanqaabiyay xisbiga Nabada iyo Horumarka ayaa shalay lagu qabtay xarunta xisbigaasi ee magaalada Muqdisho.

Munaasabada ayaa waxaa ka soo qaybgalay masuuliyiin, fanaaniin, haweenka, dhalinyaro iyo marti sharaf badan iyadoo halkaasi lagu soo bandhigay heeso wadani ah iyo kuwo ay si gaar ah u leeyihiin Hawernka.

Waxaa ka hadlay Munaasabadaan Marwo Dahabo Cabdi oo ah Gudoomiyaha garabka haweenka ee Xisbiga Nabada iyo Horumarka wayna sheegtay in haweenka Soomaaliyeed ay qabaan dhibaatooyin badan sidoo kalana ay u soo dulqaateen dhibaatooyin kale oo badan.

Gudoomiyaha haweenka Qaranka Soomaaliya Marwo Caasho Geesdiir oo iyana ka hadashay munaasabada ayaa haweenka Soomaaliyeed u dirtay hambalyo ku aadan maalinta 8-da Maarso oo maanta ku beegan.

Ugu dambeyntii waxaa ka hadlay gudoomiyaha Xisbiga Nabada iyo Horumarka Xasan Sheekh Maxamuud oo u hambalyeeyey haweenka Soomaaliyeed isagoo sheegay in haweenka Soomaaliyeed la’aantood aanay shacabka Soomaaliyeed meel gaarin lahayn.

Wuxuuna sidoo kale uu ugu baaqay haweenka in ay ka shaqeeyaan nabada isla markaana ay ku dadaalaan sidii shacabka Soomaaliyeed looga saari lahaa dhibaatada.

8-da Maarso waxaa sidoo kale magaalada Muqdisho lagu qabtay munaasabado kale oo iyaguna lagu xusayey 8-da Marso oo ku asteysan maalinta haween weynaha Adduunka, waxaana manaasabadaha Muqdish ka dhacay ka qaybgalay madaxda ugu saraysa dowlada.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.