Xisaabiyihii Burcad-badeeda Soomaalida oo la xiray

Ciidamada Booliska Jarmalka, ayaa maanta gacanta ku dhigay mid kamid ah Xisaabiyaasha Burcad-badeeda Soomaalida, oo masuul ka ahaa afduubashada markab waday shidaal sanadkii 2010.

Burcad-badeeda Soomaalida
Burcad-badeeda Soomaalida

Sarkaal u hadlay Ciidamada Booliska magaalada Saxony, ayaa sheegay in ninkaan oo magaciisa lagu soo gaabiyay xarafka “M” ay Arbacadii lasoo dhaafay kasoo qabteen xero qaxooti oo ku taal magaalada Giessen.

Ninkan ayaa lagu eedeeyey inuu ahaa xisaabiyaha mid kamid ah koox burcad-badeed ah oo afduub u geystay Markab lagu magacaabo (Marida Marguerite), markabkaasi oo ay saarnaayeen 22 shaqaale ah ayaa lagu qafaashay xeebaha dalka Cumaan sanadkii 2010.

Maanta oo Isniin ah ayey Booliiska Jarmalka maxkamada horkeeneen danbiyada loo heysto ninkan iyagoo sheegay in (Faraha) ninkan laga helay markabkaasi dushiisa.

Burcad-badeeda Soomaalida, ayaa markabka lagu magacaabo (Marida Marguerite), shaqaalaha saaran waxay haysteen 7 bilood, iyagoona mudadaas ku hayay jirdil iyo handadaad, kahor inteeysan helin madax furasho.

Ninkan ayaa la sheegay inuu u qaabilsanaa burcad badeeda dhinaca tirinta lacagta iyo cuntada lasiinayey shaqaalaha markabkaasi lagu dul hayey, waxaana farihiisa laga helay sida la sheegay markabka dushiisa.

Waa markii ugu horeeysay ee shaqi Soomaali ah oo qaxootinimo isaga dhiibo mid kamid ah dalalka Yurub loo xiro, fal la xiriira ku lug lahaanshaha Burcad-badeednimo.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here