Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa shaaca ka qaaday in xiritaanka kalfadhiga Baarlamaanka soomaaliya dib loo dhigay.
Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Cusmaan Jawaari oo Warbaahinta Dowlada la hadlay ayaa sheegay in xiritaanka kal fadhiga koobaad ee Xildhibaannada Baarlamaanka oo maalinnimada berri ah horey loogu qorsheeyey dib loo dhigay ilaa maalinnimada Isniinta ah ee soo socota oo ay taariikhdu ku beegantahay 07-January.
Maxamed Sheekh Cusmaan ayaa dib u dhigistan ku sheegay in xildhibaanada Soomaaliyeed ay wali qabyo u tahay shaqadi dhismaha gudiyada, sidaasi darteedna dib loogu dhigay xiritaanka kalfadhigii koobaad ee mudaayaasha baarlamaanka dalka Soomaaliya.
Mudanayaasha Baarlamaanka ayaa shaqo adag soo bilaabay marki loo dhaariyay xilka, iyadoo kalfadhiga koobaad lagu waday inuu xirmo 20 December ee sanadkii tagay, balse xiligan uu soo gaaray ayaa cadeyneysa in xildhibaanada ay si wanaagsan u gudanayaan shaqada loo igmaday.
Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com