Xiriirka Xumaaday ee Dalalka Carabta Iyo Raadka Uu ku Yeelan Karo Dhaqaalaha Wadamadaas.

Waddamada Sacuudiga, Masar, Baxrayn, Imaraadka Carabta, Yeman iyo Liibiya ayaa xiriirkii u jaray waddanka Qadar sida arinta u muuqatana waa cunaqabatayn rasmi ah waxayna sheegeen waddamada Sacuudigu hogaaminayo Cir,Dhul iyo Bad in ay ka xirteen wadanka Qadar taas oo looga golleeyahay in lagu wiiqo dhaqaalaha Qadar.

Hadaba hadii aanu eegno arintaan cawaaqibta ka dhalan doonta cidda ay saamayn doonto ayaa waxaan shaki ku jirin in dhaqaalaha gobolka bariga dhexe uu dhaawac gaarayo gaar ahaan caalamka muslimka iyadoo inta badan dadweynaha dunida ku nool ay arintaan fajac ku noqotay in waddamo isbahaysi iyo ururo caalami ah wadaago sida (Khaliij-al arabi) isla markaana iskaashi dhaqaale ka dhaxeeyo in maalin qur’ah xiriirkii lagu jaro xuduudahana la kala xirto.

Dadka wax faaleeya ayaa u arka arin lagu degdegay oo aan u dhici doonin qaabka loo dhigay.

Sacuudiga maxaa ku qasbay arintaan ilaa hadda warar rasmi ah majiraan laakiin wararka soo ifbaxayo ayaa sheegaya in sacuudiga ay Qadar ka doonaysay in ay uga danbayso gobalka islamarkaana joojiso taageerada ay siiso ururada qaar sida ururka Xamaas oo kale sidoo kalena waxaa jira saldhig Turkigu ku leeyahay Qadar waxaana macquul ah arintaan in saldhigaasi lug ku leeyahay sababtoo ah Qadar ururka Xamaas 10 sannadood ka badan ayay taageeraysay xiisaduna waligeed heerkan ma gaarin.

Cunaqabataynta dalka Qadar la saaray ma suurtagalaysaa mana la hareerayn karaa (go’odoon) la gelin karaa? sida xaqiiqada ah Qadar lama go’odoomin karo lamana wiiqi karo dhaqaalaheeda bal waxay noqon doontaa dab hoosta ka shidan oo dowladaha damaca badan ku gubtaan anagoo kaashanayno aqoonta mapka dunida Qadar dhanka waqooyi waxaa kaga gudban wadanka Iiraan wareeg masaafo yar kadib waqooyi bari waxaa kaga gudban wadanka Cumaan sidaas darteed diyaaradaha beec mushtarka Qadar ee u socda Afrika waxay mari karaan marka koowaad Iiraan kadibna Cuman kadibna Soomaaliya halka kuwa Asia u socda Mari karaan Iiraan halka kuwa Europe u socda mari karaan iyaguna Iiraan.

Halkaas waxaa ku dhamaaday caga juglayntii dhaqaalaha ee Qadar lagu hayay hadii aan la xalin khilaafka wadamada Khaliijka waxaa bilaabmi doona dagaal ugu danbayn tagi doona gacan ka hadal Sacuudiga iyo Imaraadkana filan waa iyo saaxiib la’aan ayaana ku dhicidoonto.

Sida cadd Qadar saaxiibkeeda ugu wayn waa Turkiga waa wadan cudud dhaqaale iyo ciidan leh la iskuna halayn karo sidoo kale Iiraan oo fursad dahabi ah arintaan u aragta ayaa faraha lasoo gali doonta marka Iiraan iyo Turkiga la isku daro waa 160 milyan oo shacab ah oo warshado hub iyo dhaqaale culus leh halka Sacuudiga iyo xulufadiisa yihiin qiyaastii 158 milyan oo aan lahayn saaxiib la isku halayn karo iyo warshado hub toona.

Sacuudiga wadanka ugu wayn ee uu difaaca isku haleeyo waa dalka Pakistan oo uu kala dhaxeeyo heshiis difaac iyadoo Pakistaan ay saaxiib ka badan tan Sacuudiga la tahay Turkiga taas oo Sacuudiga waji gabax ku noqon doonta waxaana la saadaalinayaa in marnaba Sacuudiga uusan ka heli doonin dunida islaamka saaxiibo ku taageera falkiisa qar iskatuurnimada ah.

Ugu dambayntii Soomaaliya oo xiriir wanaagsan uu kala dhaxeeya dalka Qadar iyo dalalka kale ee haatan xiriirkoodu uu xumaaday ayaa waxaa la gudboon dawlada Soomaaliya waqtigan ka talisa in ay aad uga fiirsato oo talaabo taxadar iyo qunyar socodnimo leh ay ka qaadato sida ay ula macaamilayso dalalkan is hertiyey.

Fadlan walaal adigoo Mahadsan Share dheh oo la wadaag walaalaha kale si ay u aqriyaan qoraalkan.

Qalinkii: C/wahab sheekh

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here