Xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta oo sheegay in dib loo dhigay cayaaraha gobaladda, Sababta Maxay Tahay?

Xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda Cagta ayaa shaaciyay in dib loo dhigay cayaaraha gobalada oo lagu waday in la furo 28-ka bishan December 2012.

Xiriirka ayaa sababta ku sheegay markii ciidamada midowga Africa ee AMISOM ka bixi waayeen garoonka caalamiga ee Mogadishu Stadium, halkaas oo saldhig wayn ay ku lee yihiin.

Xoghayaha xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta Cabdi Qani Saciid Carab oo soo saaray war-qoraal ah oo lgu talagalay saxaafadda ayaa sheegay in dib loo dhigay cayaaraha gobalada sannadka soo socda sababo uu ku sheegay farsaxmo darteed.

“Xiriirka SFF waxa uu ku rajo waynaa in ciidanka AMISOM ka baxaan garoonka horaantii bishan December, haddii aysan dhicin arrintaas, waxa uu xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta uu isku diyaariyay in cayaaraha gobalada ku qabto garoonka laga bilaabo December 28-2012-illaa January 25-2013,laakin taas ma dhicin waayo stadium Mogadishu wali waa xarun military ” ayuu yiri xoghayen Cabdi Qani Saciid Carab.

15-kii bishii October ee sannadkan, xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta wuxuu booqday garoonka, halkaasoo ay kulamo kula qaateen saraakiisha ciidamada AMISOM, waxa lagu balamay in ciidanka ka baxaan garoonka, oo ah goob Sports.laakin arrintaas ma dhicin.

Taliyaha ugu sareeya ciidanka AMISOM ee ku sugan garoonka Angua, ayaa saxaafadda u sheegay in AMISOM ay ka bixi doonaan garoonka bilowga bishan December.

Si kastaba, garoonka ayaa u baahan dib u dhis iyo dayactir balllaaran, maxaa yeelay wixii ka dambeeyay burburkii dalka sannadkii 1991, wuxuu garoonka  Stadium Mogadishu dhowr jeer noqday xarun ciidan.

Garoonka Mogadishu Stadium waxa uu ka mid yahay garoomada ugu casrisan Soomaaliya iyo Africa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here