Xiriirka Kubadda Gacanta oo guddoon cusub ku doortay Muqdisho

Munaasabad maanta ka dhacday magaalada Muqdisho, ayaa lagu doortay guddoon cuusb oo wixii hadda kaddib maamuli doono guddiga kubadda gacanta Soomaaliya.

Munaasbadan ayaa la sheegay in looga gun lahaa siddii siddii guddoon cusub loogu dooran lahaa xiriirka kubadda gacanta ee Soomaaliya.

Waxaana goobta lagu soo bandhigay wax-qabadkii Xiriirka kubadda Gacanta mudadadii afarta sanno ee lasoo dhaafay uu qabtay iyo wax-yaabaha u hirgalay.

Waxaa madasha doorashada warbixin ka akhriyey Maxamed Xuurshe Eenow oo ahaa gudoomiyaha xiriika kubadda gacanta isla markaana ahaa musharaxa keliya ee mar kale u taagnaa doorashada.

Sidoo kale waxaa goobta ka hadlay  Xaaji Maxamed Axmed Colow oo ah khabiir ciyaaraha Soomaaliya, waxaana uu ka tirsan yahay Guddiga Olombikada Soomaaliyed.

 

Mr Xaaji Colow oo ahaa gudoomiyaha doorashada guddiga xiriirka kubadda gacanta, ayaa u mahadceliyey kooxaha Xiriirka iyo hogaankiisii mudadii 4-ta sano ee lasoo dhaafay isagoo halkaasi ka aqriyey musharixiinta u taagan xilkaasi 4-ta sano ee soo socota.

Markii khudbadaha ay soo dhammaadeen, waxaa goobta lagu soo bandhigey Maxed Xuurshe xasan (Eenow) oo u taagnaa jagada Gudoomiyaha iyadoo aysan jirin cid la tartameysay waxaana codkooda siiyey 6-da kooxood ee u diiwaangashan xiriirka iyo ururka arimaha ciyaaraha,iyadoo cod gacan taag ah lagu ansixiyey in Eenow mar kale hayo jagada ugu sareysa xiriirka ilaa 2017.

Sidoo kale waxaa halkaasi lagu doortay guddi kale oo la sheegay in uu ka tirsan guddiga kubadda gacabta kuwaasoo ka kooban ilaa 10 xubnood. waxayna kala yihiin:-

1-Maxamed Xuurshe eenow -Gudoomiye

2-Maxamed C/laahi Cali – G/K/X /1aad.

3-Shamso C/dulle Maxamuud K/X/2-aad

4-C/salaam Axmed Guuleed -G/K/3-aad

5-Nuur Maye Cismaan -Xoghaye

6-Cawil Nuur Magan -Xubin

7-Geediyo Cali Abshir -xubin

8-Maxed Maxamuud Burci -Xubin

9-C/salaam Muumin -Xubin

10-C/qaadir X. Adan Buule –Xubin

11-Shiikh Daahir -Xubin

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here