Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya oo Tababar u furay kalkaliyaasha ka shaqeeya dalka

Xiriirka kubadda Cagta Soomaaliya ayaa dhawaan tababar kor loogu qaadayo xirfada kal-kaaliyaasha caafimaadka ee ka shaqeeya dalka, waxa ay ku qabteen magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Tababarkan oo socday muddo labo cisho ah, waxaa looga gun lahaa in kor loo qaado aqoonta iyo xirfada ay lee yihiin dadka ka shaqeeya xarumaha caafimaadka ee ka dhisan dalka.

Waxaa soo qabtay tababarka guddiga ciyaaraha kubadda cagta Soomaaliya gaar ahaan qaybta caafimaadka iyo ardayda wax ka barta qaybaha caafimaadka ee Jaamacadaha Muqdisho.

Sidoo kale waxaa lagu soo bandhigay siddii dalka lagu ballaarin lahaa howlaha caafimaadka gaar ahaan kubadda cagta.

Xoghayaha xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta Cabdiqani Saciid Carab ayaa hadal ka jeediyay furitaanka tababarka, wuxuuna sheegay in tababarkan uu yahay kii ugu horreeyay ee xiriirka uu qabtay.

Wuxuu sheegay tababarkan in uu yahay mid lagu xoojinaayo doorka hey’addaha caafimaadka ee ciyaaraha uga jiraan goobaha kubadda cagta ee dalka.

“Waxan sannadkasta qabanaa ugu yaraan hal tababar oo ah caafimaadka ciyaaraha, laakin gabi ahaan wuu ka duwan yahay kuwii aan horrey u soo qabanay, maxaa yeelay waxaa tababarkan ka soo qaybgalay dhallinyaro de’yer , gaar ahaan kuwa ka shaqeeya xarumaha caafimaadka ee dalka” ayuu shegeya xoghayaha xiriirka kubadda cagta Soomaaliya.

Xoghayaha xiririka kubadda cagta oo furay tababarka
Xoghayaha xiririka kubadda cagta oo furay tababarka

Tababarkan ayaa la sheegay in ay ka soo qaybgaleen 45-qof oo isugu jirra gabdho iyo wiilal, kuwaasoo dhammaan soo dhaweeyay tababarkan ay u fureen xiriirka soomaaliyeed ee kubadda cagta.

Tababarkan wax yaabaha looga gun lee yahay waxaa ka mid ah:

1-    Siddii loo ballaarin lahaa tirada dadka ka shaqeeya caafimaadka ee ku jirra ciyaaraha kubadda cagta ee dalka oo dhan.

2-    In Fariin loo diro dadka Soomaalida ee jecel kubadda cagta

3-    In gacan laga geesto ballaarinta howlaha caafimaadka ee ka jirra dalka, iyadoo la tixraacayo shirkii ururka FIFA ay ku meel mariyeen qorshahan ee ka dhacay Zurich sannadkii 2010

4-    Si loo tayeeyo kooxaha caafimaadka ee ka shaqeeya kubadda cagta dalka Soomaaliya

Tababarkan waa kii ugu ballaarnaa ee xiriirka kubadda cagta Soomaaliya uu ku qabto dalka 21-kii sanno ee la soo dhaafay.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here