Xilibaano Sheegay in Amaanka Muqdisho uu faraha ka baxay

Baarlamaanka-cusubXilibaano katirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxay sheegeen in amaanka Caasimada Muqdisho uu faraha ka baxay.

Qaar kamid ah Xilibaanadaas oo maanta Warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho, ayaa waxay sheegeen in Xukuumada Federaalka ay ku fashilantay wax kaqabashada amaanka magaalada Muqdisho.

Xilibaan Maxamed Iidle Geedi, oo kamid ah Mudanayaasha Baarlamanka Soomaaliya, ayaa waxa uu sheegay, in Xukuumada iyo laamaha amaanka ay ku fashilmeen wax kaqabashada amaanka magaalada Muqdisho, waxaana uu xusay in wadooyin la xir xiro aanan lagu xaqiijin karin amaanka magaalada Muqdisho.

“Amniga Muqdisho wuu halaabay, faruhuu ka baxay waxaasna waxaa sabab u ah tabar darada Xukuumada ay qabto, maxaa yeelay Xukuumadaan waxay sheegtay markeey doorashada galeysay waxa ugu horeeyo oo ay mudnaanta koowad siineyso inuu yahay amniga” ayuu yiri Xilibaan Maxamed Iidle Geedi.

“Hadal macaan wax ma taro waxaa loo baahanyahay wax qabad, markeey wax qabato waa lajeclaanayaa oo waa la amaanayaa, haday wax qaban weydana waa la nacayaa” ayuu Xilibaan Iidle Geedi hadalkiisa sii daba dhigay.

“In jidadka la xiro waa qalad, in Hay’ado ajnabi ah loo xiro waa qalad, doowlada iyadaa lafaray ineey amniga sugto, marka aniga waxaan ku talinayaa in wadooyinka la furo” ayuu Xilibaanka markale ku celiyay.

Sidoo kale Xilibaan Jaamac Axmed Maxamuud oo kamid ah mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya, ayaa dhankiisa sheegay in Xukuumada kaligeed aysan waxbo qaban karin waxaana uu shacabka ugu baqay ineey ka qayb qaataan wax ka qabashada amaanka Caasimada ee Muqdisho ayna la shaqeeyaan laamaha amaanka ee doowlada si loo xaqiijiyo amaanka sii lumaya maalmahaan.

“Amniga Xukuumad kaliya waxbo kama qaban karto, qof walbo oo Soomaali ah waxaa saaran masuuliyad ah inuu Amniga wax ka qabto” sidaa waxaa yiri Xilibaan Jaamac Axmed Maxamuud.

Mudooyinkii danbo ayaa waxaa aad usoo xumaanayay amaanka magaalada Muqdisho, waxaana ugu danbeysay Xalay oo ilaa qaraxyo ka badan 10 laga maqlay Caasimada Muqdisho.

2 COMMENTS

  1. Xasuuslaawayaasha aanan waxba xasuusanin waxaan weydiinayaa hal su,aal, gormey muqdisho nabad heshay? Xiliga hada ah ma jirto xili ey muqdisho ka wanaagsan tahay, dadkana waa wada og yihiin, ee baroortu orgiga ka weyn,,,, waa arin siyaasadeed waana lala socdaa xildhibaankan waa qoloda alshabaab wakiil uga ah magaalada muqdisho, mar dhowna waxaa soo bixidoono war lala yaabo, ee umada ey ku farxaan

  2. Aniga hadaan fikirkayga ka dhiibto dawladda kaligeed masugi karto amniga magalada muqdisho hadii lahelin shacab lashaqaynaayo dawladda wayo maah mah somaliyeed aya dhahaysa far kaligeed fool ma dhaqdo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here