Xilibaano maanta laga hor’istaagay ineey kulmaan

Koox Xilibaano ah oo katirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta ku cawday in Ciidamada Nabad sugida ay kahor istaageen kulan ay doonayeen ineey ku qabtaan mid kamid ah Hotelada magaalada Muqdisho.

Xilibaanadan oo sheegtay in tiradoodu ay ahayd 110 Xilibaan, ayaa qaarkood kamid ahaa Xilibaano maalmo kahor baarlamaanka hor geeyay Mooshin ka dhan ah Xukuumada Ra’iisul wasaare Saacid.

Xilibaanadan ayaa markii kulanka loo diiday waxay qabteen shir jaraa’id, waxayna uga hadleen shirkooda jaraa’id in Ciidamo katirsan kuwa nabad sugida ay u diideen ineey kulan ku qabsadaan Hotelka City Place ee muqdisho.

Xilibaano farabadan, ayaa maalmihii lasoo dhaafay waxay wadeen Mooshin ka dhan ah Xukuumada Ra’iisul wasaare Saacid, halka dhanka kalena Xubno katirsan golaha wasiirada ay dadaal ugu jireen baajinta Mooshinkaas iyagoona bilaabay ineey si gooni gooni ah ula shiraan Xilibaanada.

Xilibaanada manta loo diiday ineey shiraan, waxaa kamid ahaa Xilibaan Cali Khaliif Galeyr oo saxaafada la hadlay, waxaana uu sheegay in arinta maanta dhacday aysan ahayn arin ay filayeen, waxaana uu tilmaamay in tallaabadaan looga soo horjeestay kulankooda ay tahay talaabo aan dastuurka raali ka ahayn.

Waxa uu sheegay in Xilibaanada ay awood u leeyihiin sharcigana u ogolaanayo ineey goob kasta iyo meel kastaba ku kulmi karaan,kana hadli karaan siduu sheegtay danta umada Soomaaliyeed ineey tahay.

Ilaa iyo hada majiraan wax katirsan hay’adaha kale ee doowlada oo kahadashay is hor’istaaga maanta lagu sameeyay kulanka Xilibaanadan, waxaana xusid mudan in xiliga ay Xilibaanada qabanayeen shirka jaraa’id, wasiirka arimaha gudaha iyo amniga qaranka C/kariin Xuseen Guuleed uu ku sugnaa dhismaha baarlamanka meel kamid ah, hase ahaatee saxaafada oo damacda ineey wasiirka arimahaas wax ka weydiiso waa uu ka gaabsaday.

 

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here