Xilibaano ku hanjabay ineey Mooshin ka geeynayaan Ciidamada Kenya

Xilibaano katirsan Baarlamaanka Soomaaliya, ayaa ku hanjabay ineey Mooshin ka geeynayaan Ciidamada Kenya ee ku sugan Jubooyinka, Xilibaanadaas waxaa kamid ah Xilibaan Sooyaan Cabdi Warsame.

Xilibaanka ayaa sheegay ineey go’aansadeen Ineey gudoonka Baarlamaanka gaarsiiyaan Mooshin ka dhan ah Ciidamada Kenya ee ku sugan Kismaayo, kadib markii ay soo gaartay cabasho kaga timid shacabka Kismaayo, oo ku aadan in dhibato iyo qas ay Ciidamada Kenya ka wadaan halkaas.

Xilibaan Sooyaan, ayaa sheegay in hadii aysan gudoonka baarlamaanka u gudbin Mooshinkaan ka dhanka ah Ciidamada Kenya, ay ka baqayaan in halkaas uu ka dhaco dagaal uu dhiig badan ku daato.Waxa uu sheegay in Mooshinkaan ay ku gudbiyeen ilaa 20 Xilibaan.

Xilibaan Sooyaan, ayaa Ciidamada Kenya ee Kismaayo ku sugan ku eedeeyay ineey si sharci darro ah, oo Xushmad darro ah ay masuuliyiinta doowlada Soomaaliya ay ugu jajuubaan Eelaboorka Kismaayo, mararka qaarna ayba u diidaan ineey gudaha u galaan magaalada Kismaayo.

Xilibaano kasoo horjeestay Mooshinka laga geeyay Ciidamada Kenya:

Dhinaca kale Xilibaano kaloo katirsan baarlamaanka, ayaa iyaguna sheegay inaanu jirin Mooshin nuucaas ah oo lasoo gudbiyay oo kadhan ah Ciidamada Kenya.

Xilibaanadaan ayaa ka digay in Mooshinka nuucaan ah, uu saameeyn doono dhamaan Ciidamada AMISOM ee ku sugan gudaha dalka Soomaaliya.

Xilibaan C/rashiid Maxamed Xidig, oo kamid ah Xilibaanada kasoo jeeda Kismaayo, islamarkasna taageersan maamulka Axmed Madoobe, ayaa isna VOA-da mar uu lahadlayay waxa uu sheegay in haba yaraatee uusan jirin Mooshin laga soo gudbiyay Ciidamada Kenya.

Xilibaan C/rashiid Xidig, ayaa sheegay in Ciidamada Kenya ay mudanyihiin in loo mahad celiyo, halkii laga keeni lahaa Mooshin, waxa uu sheegay in hadii uu dhab noqdo Mooshinka kadhanka ah Ciidamada Kenya, Mooshinkaas uu wada saameyn doono dhamaan ciidamada AMISOM ee dalka ku sugan, sida kuwa Uganda, Burundi iyo Jabuuti.

“Mooshinkaas Ciidamada AMISOM oo dhan buu saameyn doona, Kenya gaar uma saameyn doono, wadan kalena gaar uma saameeynayo dhamaan buu wada saameeynayaa, arimahasna waa dhalanteed wax kajiraana majiraan, lamana keeni karo” ayuu yiri Xilibaan C/rashiid Xidig.

“Hadii ay AMISOM baxayso waxa ka bilabaneeysaa kuwa Muqdisho ku sugan, madaxtooyada ku sugan, iyo kuwa hada Mooshinka la or ordayo ee lasheegayo kuwa ilaaliyo ayay ka bilaaban” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Xilibaan C/rashiid Xidig.

 

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here