Xilibaano kasoo jeeda Bakool oo eedeyn usoo jeediyay Ciidamada doowlada

Xilibaano kasoo jeeda gobolka Bakool ayaa Ciidamada doowlada Federaalka ku eedeeyay, ineey gobolka ka geysteen tacadiyo shacabka lagula kacay intii ay wadeen holwgalada la dagaalanka Al-shabaab.

Xilibaan Isxaaq, oo kamid ah mudanayaasha baarlamaanka ee gobolka Bakool kasoo jeeda, ayaa Ciidamada doowlada federaa,lka howlgalo ay ka fuliyeen qaybo katirsan gobolka Bakool, wuxuu sheegay ineey ka geysteen tacadiyo kala duwan oo isugu jira, dhac hanta shacab iyo dilal dad rayid ah oo aan waxbo galabsan.

Xilibaanka oo warbaahintalahadlayay waxa uu sheegay in deegaanka Ceel-garas oo u dhaxeeya deegaanada Tiyeegloow iyo Xudur oo gobolka Bakool katirsan, ay Ciidamada doowlada ku dileen 2 wiil oo uu adeer u ahaa, labo kale oo dadka deegaanka ahna ay ku dhaawaceen, sidoo kale xilibaanka waxa uu sheegay ineey Ciidamadu dhaceen 6 kamid ah goobaha ganacsiga deegaanka Ceel-garas sida uu hadalka u dhigay.

Xilibaan Isgoow Isxaaq, ayaa sidoo kale sheegay in dadka la dilay, kuwa la dhacay iyo kuwa hantidooda la qaatay dhamaantood ineeysan ka tirsaneen kooxda Al-shabaab oo Ciidanka howlgalada wada ay bartilmaameedsanayaan.

Maamulka gobolka Bakool ayaa waxbo kama jiraan ku tilmaamay eedeeymaha loo soo jeediyay ciidamada doowlada ee gobolka Bakool ka howlgalaya ineey bartilmaameedsadeen dad shacab ah oo aan waxbo galabsan.

Gudoomiyaha gobolka Bakool, Maxamed Cabdi Tool oo isna la hadlayay warbaahinta ayaa cadeeyay in Ciidamada howlgalada ka waday maalmihii ugu danbeeyay deegaano katirsan gobolka Bakool ay yihiin kuwo si gaar ah loogu taba baray la dagaalanka Al-shabaab, islamarkaasna dadka ay bartilmaameedsadeen ay yihiin dad shabaab ka tirsanaa, kuwaas oo ay qaraabo ahaan karaan buu yiri Tool qof kasta xitaa hadii uu yahay masuul doowlada katirsan.

“Dadka shabaabka ku jira qof aan qaraabo la ahayn majirto, dadka ladilayna m ahayn shacab ee shabaabka ayay ka tisranaayeen” sidaa waxaa yiri gudoomiyaha gobolka Bakool Maxamed Cacdi Tool.

Inkastoo maamulka gobolka Bakool uu difaacay eedeynta loo soo jeediyay Ciidamada doowlada ee gobolka Bakool ka howlgalaya, ayaa Xilibaan Isgoow Isxaaq, waxa uu muujiyay ineey wax kaqabasho u baahantahay dhibaatada ay Ciidamada doowlada ku hayaan dadka shacabka ah ee gobolkaas ku dhaqan.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here