Xilibaano ka hadlay dagaalada Kismaayo

Xilibaano katirsan baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo ku sugan magaalada Nairbo ee wadanka Kenya oo shir jaraa’id ku qabtay magaaladaas ayaa waxay kaga hadleen xaalada Magaalada Kismaayo.

Maxamed Cabdi Yuusuf oo horay usoo noqday Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya, oo wareysi siinayay idaacada VOA-da ayaa sheegay in shirkooda jaraa’id ay kaga hadleen arintii kediska ahayd ee shalay ka dhacday magaalada Kismaayo, waxa uu sido kale sheegay ineey tacsi ka bixinayeen dadkii shalay ku dhintay dagaaladaas.

Sidoo kale waxa uu sheegay ineey baaq si wadajir ah ugu direen labada dhinac ee ku dagaalantay magaalada Kismaayo, waxa uu sheegay ineey xiriiro la sameeyeen labada dhinac ee isku haysta magaalada, islamarkaasna ay ka dalbadeen ineey joojiyaan xabada wadahadalna lagu badalo.

Dagaalka shalay ka qarxay Kismaayo ayaa kusoo aaday xili maamulka KMG ah ee halkaas ka taliya ay qorsheeynayeen ineey shirk u yeeshaan magaalada Kismaayo kaasoo lagu waday in lagu dhiso maamul loogu magac daray Jubbaland.

Wasiirka arimaha gudaha Xukuumada Soomaaliya ayaa shalay sheegay in doowlada uu qaybta kayahay aysan wax war ah ka haynin shirka kasoconaya magaalada Kismaayo, waxa uu sidoo kale sheegay in doowlada ay casuumaad u fidisay dhamaan qaybaha kala duwan ee Jubooyinka, si looga arinsado maamul u samaynta Jubooyinka.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here