Xilibaano Ethiopia ka dalbaday in gobolka Bay aysan ka bixin

Xilibaano katirsan baarlamanka Federalka Soomaaliya oo gaaraya ilaa iyo 26 Xilibaan,  oo gobolka Bay u tagay ineey xaliyaan maamul gobolkaas loo dhisay oo uu Khilaaf kajiray, ayaa haatan arintooda waxay isku badashay ineey Ciidamada Ethioia la hadlaan, kana codsadaan ineeysan ka bixin gobolka Bay.

Xilibaan Mustaf Isaaq Guudoow, oo ah afhayeenka Xilibaanada ku sugan goolka Bay, ayaa warbaahinta Muqdisho mar uu lahadlayay, waxa uu sheegay ineey la kulmeen saraakiisha Ciidamada Ethiopia, islamarkaasna ay ka dhaadhiciyeen ineey kusii nagaadaan gobolka Bay, ilaa iyo inta si buuxda lagala wareegayo gacan ku haynta.

“Ciidamada Ethiopia kulamo ayaan la qaadanay, waxaana isla afgaranay ineey kusii nagaadaan gobolka Bay, ilaa iyo inta Ciidamada AMISOM iyo kuwa Soomaaliya ay si buuxdo kala wareegayaan amaanka gobolkaas” ayuu yiri Xilibaan Mustaf Isaaq Guudoow.

Dhanka kale waxaa weli taagan mad madowgi kadhashay Khilaafaadka ka taagan maamulka Cusub ee oo magacaabay gobolka Bay, waxaana Xilibaan Guudoow, uu sheegay ineeysan jirin wax digreeto ah oo lagu magacaabi karo gudoomiye gobol, madaxda doowlada Soomaaliyana uu ugu baaqayo ineey arimahaan xaliso.

Ciidamada Ethiopia ee ku sugnaa gobolada Bay iyo Bakool, ayaa meelo kamid ah isagabaxay, waxaana warar kaloo soo baxaya ay sheegayaan in Ehtiopia ay dooneyso ineey gabi ahaanba isaga baxdo dalka Soomaaliya, waxaana warar hoose ay sheegayaan in cadaadis dhanka reer galbeedka ah uu soo wajahay Ethiopia, kaasoo ku aadan ineey faraha kalabaxdo arimaha Soomaaliya, oo ay u dayso Ciidamada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here