Xilibaano Cusub oo maanta la dhaariyay

Waxaa maanta kulan isugu yimid magaalada Muqdisho, Mudanayaasha Baarlamanka Soomaaliya, Kalafadhiga labaad kulankiiisa 7 aad, waxaana shir gudoominayay gudoomiye kuxigeenka koowaad ee baarlamaanka Jeylaani Nuur Iikar waxaana soo xaadiray oo kooramka buuxiyay 163 mudane.

Kulanka xilibaanda ayaa ajandaha lagu saaray 2 qodob, oo kala ahaa, dhaarinta laba mudanayaal oo cusub iyo in la dhagaysto warbixino ay soo jeedinayeen qaar kamid ah xilibaanda oo dhawaanahaanba socdaalo kala duwan kusoo kala bixnayay qaybo kamid ah gobolada dalka.

Xilibaanada cusub ee manta la dhaariyay ayaa kala ahaa, Farax Cawad Jaamac iyo Aadan Maxamed Cali oo lagu kala badalay marxuum xildhiban Sheekh Nuur Cali Aadan iyo xildhibaan Siyaad Maxamuud Shire.

Gudoomiye kuxigeenka koowaad ee baarlamaanka oo shi
rka soo xiray, ayaa maalinka beri ah markale xilibaanada ugu baaqay ineey isugu yimaadaan kulan kale, si loo dhagaysto warbixino kale oo ays oo jeedinayaan qaar kamid ah xilibaanada.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here