Xilibaan Xalay Muqdisho Ku Geeriyooday

Waxaa xalay magalada Muqdisho ku geeriyooday Shiikh Nuur Cali Aadan, oo kamid ahaa mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya, Xilibaanka ayaa xalay waxaa kusoo booday Xanuun, waxaana islamarkiiba loola cararay Isbitaalka.

Xilibaanka ayaa horay waxa uu jagooyin uga soo qabtay doowladihii KMG ahaa ee dalka soo maray, isagaoona mar soo noqday wasiirka oowqafta iyo diinta, sidoo kale isla xilkaan oo kale waxa uu kasoo qabtay doowladii Milatariga ahayd ee dalka soo xukuntay.

Xilibaanka, ayaa lagu wadaa in isla maanta lagu aaso magaalada Muqdisho, majirto wali masuuliyiin katirsan doowlada oo ka hadlay geerida xilibaankan, waxaase lagu wadaa in goor dhow ay ka hadlaan.

Wixii warar ah ee kusoo kordha Aaska qaran ee lagu wado in Saacadaha soo aadan loo sameeyo Xilibaanka waxaan idinkugu soo gudbin doonaa wararkeena soo socda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here